4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 13, 2022
Xisbiga UCID: Xisbiyada mucaaradka ahi kama mid noqon doonaan wadahadalo sii jiitama
 

Arbaco, Luulyo, 13, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, ayaa madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in uu wadahadalada u socda lugta hayo.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee Xisbiga UCID Maxamed Aadan Axmed, oo ka warbixiyay wadahadalada maalintii labaad oo xidhiidha u soconaya xukuumada iyo mucaaradka Somaliland, ayaa madaxweyne Biixi ku eedeeyay in uu masuul kayahay jiitanka wadahadalada.

"Shalay ayay bilaabmeen, maantana way socdeen, berritoolana way socon doonaan, aniga labada xisbi ee mucaaradka ah marka laysku daro in aan anagu taageersanhay in wadahadaladaasi si fiican ku dhamaadaan, hase yeesheen waxad mooda in cida wali hoos u yar jiidaysa in uu madaxweynaha yahay" ayuu yidhi Maxamed.

Waxa uu sheegay in ay diyaar u yihiin hadii wadahadalada uu kasoo baxo go'aan lagu qabanayo doorashada madaxweynaha oo kali ah, hadii taasi dhici waydana anay sii wadi doonin wadahadalada.

"Hadii la is afgartana waa sidii aanu doonaynay oo doorashadii la qabto, hadii ay xaga madaxweynaha suuragal ka noqon waydana, xisbiyada mucaaradka ahi kama mid noqon doonaan wadahadlo danbe oo sii jiitama" ayuu yidhi Maxamed.

Xisbiyada mucaaradka iyo muxaafadka Somaliland, ayaa horay kalsooni buuxda u siiyay guddida dhexdhexaadinta, waxayna sheegeen in ay ku qancayaan wixii kasoo baxa wadahadalka.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]