4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 14, 2022
Madaxweyne Xasan Sheikh oo xaqiijiyay inay xaaladdooda nololeed wanaagsan tahay ciidamada Eritrea tababarka ugu maqan


Khamiis, July 14, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan xog-warran ah la qaatay qaar ka mid ah waalidiinta ciidanka tababbarka u jooga dalka Ereteriya, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay uu ugu tegay booqasho uu xaaladdooda ugu kuurgelayo.

Madaxweynaha ayaa waalidiinta la wadaagay xaaladda guud ee ay ku sugan yihiin, bad-qabkooda nololeed iyo halka ay marayaan tababbarrada ay dalkaas u joogaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u xaqiijiyey waalidiinta sida ay uga go’an tahay fulinta ballan-qaadkiisii ku aaddanaa in ubadkooda ay dib ula midoobaan, dalkana dib ugu soo laabtaan si ay u gutaan waajibka qaran.

"Waxaan la soo qaatay farxadda ciidda, aniga oo si dhow ugu kuur-galay noloshooda.  Si ay waalidnimo ku dheehan tahay ayaan ula soo dardaarmay, waxaana ka shaqeeyey in ay idinla soo xiriiraan. Sidoo kale waxaan la xalliyey caqabado ku aaddan arrintaas aniga oo rajaynaya dhawaan in ay idin soo wacaan,’ayuu yiri madaxweynuhu.

Dhinaca kale, waalidka ciidamada Soomaaliyeed ee la kulmay Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey mudnaanta uu siiyey xaaladda ubadkooda iyo sida degdegga ah ee uu uga war doonay si xal loogu helo tabashada iyo walwalka ay qabeen iyaga oo muujiyey in ay ku qanceen xogta uu la wadaagay ee ku saabsan xaaladda dhabta ah ee ubadkooda.

Qaar kamid ah ayaa goobta ka sheegay inay ubadkooda lasoo hadleen wiilashooda una sheegeen inay xaaladdooda wanaagsan tahay.