4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 14, 2022
Tirada dadka ku barakacay abaaraha ka jira Soomaaliya oo kor u kacay 231%
 

Khamiis, July 14, 2022 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in tirada dadka ku barakacay abaaraha ka jira  Soomaaliya ay kordheen 231 boqolkiiba.

Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA, IOM iyo hay’adda UNICEF ayaa si wadajir ah u soo saaray war murtiyeed ku saabsan xaaladda abaareed ee ka jirta Soomaaliya.

War-saxaafadeedka, ayaa lagu xusay in ka badan 112,400 oo qof ay ku barakaceen abaarihii dalka ka dhacay 1-22-kii bishi June, iyadoo tiradan ay korortay 231% marka loo eego bishii May.

Waxaa la sheegay in 60% dadka abaaruhu ay saameeyeen ay tageen magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Halka tirooyinka intaas ka yar ay ku barakaceen gobollada kale ee dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqday gargaar caalami ah sababo la xiriira saameynta dhimashada leh ee abaarta ka jirta dalka, waxayna ku dhawaaqday "xaalad degdeg ah" dalka oo dhan.