4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 15, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminaayo oo goordhaw u duulay dalka Kenya
 

Jimco, Luulyo, 15, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goordhaw u ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib casuumaad rasmi ah uu ka helay dhigiisa dalkaasi Kenya Uhuru Kenyata.

Safarka madaxweyne Xasan Sheekh uu Maanta ku aaday dalka Kenya ayaa lagu sheegay war kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya inuu qeyb ka yahay qorshaha madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in dhiggiisa dalka Kenya Uhuro Kenyata ay wada yeelan doonaan wadahadalo ku saleysan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya, iyagoona ka wada xaajoon doono xal u helidda caqabadaha isbeddelka cimilada, abaaraha, amniga iyo dhaqaalaha.

"Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ahmiyad gaar ah siinaya in danta shacabka Soomaaliyeed lagu raadiyo iskaashi iyo wax wada qabsi, taas oo horseedaysa horumarinta hannaanka iskaashi ee labada dowladood iyo danaha isku dhafan ee ka dhaxeeya labada shacab ee dariska ah, adkeynaysana xasilloonida, horumarka iyo wada-noolaanshaha shucuubta Gobolka" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.  

Gabagabadii Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay Nairobi ee dalka Kenya kulamo kala duwan la qaadan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas, si uu uga xog wareysto xaaladooda iyo duruufaha ku xeeran noloshooda, isagoona ka dhageysan doona talooyinka iyo tilmaamo ku aadan horumarka iyo xasilinta dalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]