4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 15, 2022
Ciyaaraha Todabadka Soomaalida Toronto oo Afar Koox isku soo hartay

Kooxda kubadda cagta ee Seif oo u soo gudbay semi-finalka

Jimco, July, 15, 2022 (HOL) - Ciyaarahii Todaabdka Soomaalida ee Toronto ayaa wali si xiiso leh uga socdaa magaaladaas, iyadoo 13 kooxood ee ku tartamaayey ay shalay qaar ka mida ciyaareen wareegii labaad ee tartankaas, Ciyaarahaan oo soo bilaabtay Bishan Luuliyo 8 dii ayaa ah kuwa maalintii la ciyaaro ilaa sadax ciyaarood oo kubada cagta ah.

Kooxaha Ohio United, Midnimo FC Minnesota, Seif TC Toronto, Hiltop FC oo dalka Ingiriiska ka timi ayaa isku soo baxay semi finals-ka ama wareega ugu danbeeya.

Ururka horemarinta dhalinyarada ee TODAY oo qabanqaabada leh ayaa agaasinkoodu yahay mid si wayn ay u soo dhaweeyeen boqolaalka dadwaynaha ah ee maalin walba u soo daawasho taga garoonka ay ciyaarahu ka socdaan ee Centennial Park.
 


Shalay waxaa la ciyaaray ciyaaro aad u xiiso badan oo ahayd wareega sideeda kooxood waxaana iska hor yimi Kooxda Muqdisho FC  iyo Hiltop oo UK ka dhisan waxayna ciyaarta waqtigii loogu talagalay ku idlaatay Hal iyo Eber ay guushu ku raacday kooxda Hiltop , Halka Ciyaartii hore shalay dhexmartay Kooxaha Gala Canada & Seif FC  oo Toronto kawada dhisan ay ciyaareen mid  aad u adag oo kooxahaas dhex martay ayaa iyaduna waxay guushu ku raacday Seif oo keeentay 3  Gool iyo hal gooloo gala canada dhalisay.

Maalinimada Sabtiga ayaa la ciyaarayaa ciyaaraha Semifanalka halka Axadana la qorsheenayo inay wada ciyaaraan labada kooxood ee isku soo harta , Maanta oo jimce ah wax ciyaara ma jirto oo waa la nasanayaa .

Ciyaarahaan ayaa waxaa la qabanaayey mudo 30 sano ah waxaana badi la qabtaa xiligaan oo kale

,ugu danbeeyntii halkaan HOL kala soco wararka Ciyaarahaas iyo cida ku guulaysta

Siyad Siad Salah, Hiiraan Online
Toronto Canada