4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 22, 2022
Dad badan oo ku go'doonsan daad xooggan oo kusoo rogmaday magaalada Qardho
 

Sabti, October, 22, 2022 (HOL) - Daad xoogan ayaa kusoo rogmaday magaalada Qardho ee gobolka Karkaar ee Puntland, kadib markii Roobab lixaad leh ay caawa iyo galabtay ka da’deen Qardho iyo deegaannada ku teedhsan.

Waxaa lasoo sheegayaa inay dad badan ku go’doonsan yihiin waddooyinka iyo xaafadaha qaar, iyagoo halis ugu jira inay biyuhu qaataan.

Waxaa xaaladda sii adkeeyay korontada oo tagtay iyo dadka oo ay adag tahay inay isku gurmadaan.

Illaa iyo hadda lamasoo werin cid wax ku noqotay. Dadka shacabka ah ayaa wadda gurmad aan weynayn, iyagoo isku dayaya inay soo badbaadiyaan dadka daadadku go’doomiyeen.

Magaalada Qardho, labo sano ka hor sidaan oo kale ayay daadad ugusoo rogmadeen. Waxay geysteen khasaare ballaaran oo isugu jira dhimashada dad shacab ah iyo burbur hantiyeed, sida guryo dumay iyo xarumo ganacsi oo biyuhu qaateen.

Gurmad adag ayaa lagu bixiyay ka jawaabidda musiibadii xilligaas, iyadoo dowladda federalka kaligeed ay bixisay lacag dhan hal milyan oo dollar.

Hase ahaatee, lacag lagu qiyaasay dhowr milyan oo dollar oo loogu talo galay dadka daadadku saameeyeen iyo kasii tabaabushaysiga daad dambe oo yimaada, ayaan la ogayn  halka uu ku dambeeyay dhaqaalahaas. marka laga reebo dadkii dhibaatadu gaartay oo dhaqaale yar loo qeybiyay.

Weli dhibaatadii mid lamid ah ayaa caawa ka taagan magaalada Qardho, iyadoo weliba lasoo sheegayo in daadadku sidii hore kasii culus yihiin.