4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 23, 2022
Puntland oo digniin kasoo saartay Roobab mahiigaan ah oo kusoo wajahan gobolka Nugaal
 

Sabti, October, 22, 2022 (HOL) - Puntland ayaa digniin xooggan kasoo saartay Roobab mahiiggaan ah oo ku soo wajahan gobolka Nugaal, sida ay tilmaamayso saadaasha hawada.

Qoraal kooban oo ka soo baxay wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka, ayaa bulshada lagu wargaliyay inay feejignaadaan kana baxaan dhulka godan iyo meelaha biya qaba-tinka leh.

“Waxay saadaashu sheegaysaa inay jiraan Roobab mahiigaan ah, gaar ahaan gobolka Nugaal, haddaba waxaa bulshada Puntland ku wargalinaynaa inay ka digtoonaadaan meelaha biyo qabatinka ah Miyi, magaalo iyo xeebaha" ayaa lagu yiri qoraalka.

Xalay ayay ahayd markii daadad xoog leh oo ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay gobolka Bari ay kusoo rogmadeen magaalada Qardho, iyagoo geystay dhimashada hal qof iyo burbur xooggan.

Inta badan, bilaha ugu dambeeyay sannadka ee xilliga dayrta, Puntland waxay labadii sanaba mar wajahdaa roobab dabaylo wata ama roobab ay daadad ka dhashaan oo ka taga waxyeelo aad u weyn.