4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 24, 2022
Somaliland: Dad maqaaxi ku cawaynayay oo la weeraray
 

Isniin, October, 24, 2022 (HOL) - Inta la ogyahay 1 qof ayaa dhintay 2 kalena way dhaawacmeen, kadib markii dablay aan haybtooda la aqoonsani ay rasaas huwiyeen dad shacab ah oo ku cawaynayay maqaaxi ku taala degmada Dararwayne ee gobolka Sanaag ee Somaliland.

Lama garanayo sababta keentay in dad maqaaxi ku cawaynaya, rasaas lagu furo iyo ujeedada ay weerarka usoo qaadeen raga dablay da ah, iyo hadii ay jirto cid gaar ah oo ay beegsanayeen.

Xukuumada iyo maamulka gobolka midna wali kama hadal weerarkan, gobolka Sanaag ayaa waxa ku badan weeraro aano qabiil salka ku haya, isla markaana lacago badan ayaa sannadkasta xukuumada kaga baxa xalinta khilaafaadka qabiilka.

Weerar kii ugu danbeeyay ee noocan oo kale ah ee Somaliland ka dhaca, ayaa dhacay 13 Augost, kadib markii nin afka soo duubtay oo cararayaa uu dad xabad ku furay magaalada Hargaysa, weerarkaas oo 1 qof ku dhintay qof kalena ku dhaawacmay.

Ninka ayay maalmo kadib ciidamada booliisku gacanta kusoo dhigeen, kadib baadhitaan shacabka lala kaashaday, dhinaca kale magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayay werarada noocan oo kale ahi si isdaba jooga uga dhacaan, walina xal buuxa looma helin.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]