4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 26, 2022
Shirkadda loo saxiixay shidaal baarista Soomaaliya oo $1.4m oo cunto gargaar ah ugu deeqday 6,000 qoys oo ku nool Soomaaliya
 

Arbaco, October, 26, 2022 (HOL) - Shirkadda shidaal baarista ee Coastline Exploration ayaa ugu deeqday $1.4m oo cunto ah 6,000 oo qoys oo ku nool guud ahaan Soomaaliya si ay gacan uga geystaan gurmadka macaluusha abaaraha.

Coastline Exploration oo dhawaan dowladda Soomaaliya ay u saxiixday heshiis sahmin shidaal baaris ah waxay sheegtay in deeqdani ay caawinayso dadka tabaalaysan. Waxay kaloo sheegtay inay sii wadayso taageeradeeda Soomaaliya.

Gurmadka Coastline Exploration ayaa la gaarsiin doonaa saddex goobood oo kala ah Baraawe oo ka tirsan Koonfur Galbeed, Hobyo oo Galmudug ka tirsan iyo Kismaayo oo ka tirsan Jubaland, iyadoo 2,000 qoys oo ku nool gobol kasta la siin doono lix nooc oo cunto ah oo ay ka mid yihiin Sonkor, Bariis, Bur, Saliid, Baasto, iyo Caano.

Coastline Exploration, oo ah shirkad Maraykan ah oo fadhigeedu yahay Bariga Afrika, waxaa loo aasaasay in ay gacan ka geysato horumarinta arrimaha shidaalka. Shirkaddu waxay rumeysan tahay inay jirto fursad weyn oo shidaal iyo gaas looga heli karo xeebaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa dhawaan shirkaddan u oggolaaday sahminta shidaal baarista xeebaha Soomaaliya. Wuxuu Madaxweynuhu ansixiyay illaa toddobo heshiis oo uu la galay shirkadda Coastline Exploration.

Shirkadda ayaa dhankeeda bixisay lacag dhan 7 milyan oo dollar oo loogu talo galay saxiixa Soomaaliya, si ay  u bilaabato hawsha sahaminta.