4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 26, 2022
Wasiir ka tirsan xukuumada Somaliland oo lagu eedeeyay sharci jabin
 

Arbaco, October, 26, 2022 (HOL) - Guddida Arrimaha Guddaha ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa wasiirka arrimaha guddaha ku eedaysay in uu ka dhaga adaygay codsiyo ay guddidu kulan kaga dalbatay.

Xildhibaan  Axmed Nuur Guruuje oo ah guddoomiyaha guddida, ayaa wasiir Maxamed Kaahin Axmed, ku eedeeyay in uu si cad iskaga dhaga tiray dalabka guddida.

"Waxay ahayd ballantu in wasiirku saaka golaha hor yimaado, lakiin wasiirkii arrimaha guduhu mana soo jawaabin mana iman, sidaa darteed waxa caddan ah in qodobka 53aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland faqradiisa 7aad ,uu wasiir si caddaan ah oo ula kaca u jabiyay" ayuu yidhi Guruuje.

Guruuje ayaa sheegay in guddidiisu anay codsi danbe u qori doonin wasiir Kaahin, lakiin ay arrintiisa u gudbin doonaan gole waynaha, si golaha oo dhani ugu yeedho oo uu wax uga waydiiyo shaqadiisa.

"Waxaanu shacbiga Somaliland u caddaynaynaa in anay guddidu mar danbe wasiirka daakhiliga warqad danbe u qoraynin, sida uu xeer hoosaadka golaha wakiiladu dhigayana, waxaanu arrinta wasiirka u gudbinaynaa golaha wakiilada, si wax looga waydiiyo arrimaha amniga iyo maamulka" ayuu yidhi Guruuje.

Waxa sidan oo kale bishii labaad ee sannadkan guddida u diiday Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland,  Cabdiqani Maxamuud Caateeye, isaga oo sheegay in aanu ka hadli karin goob warbaahintu joogto oo uu siro qaran hayo.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]