4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 27, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan qadka taleefoonka ah la qaatay Amiirka Qatar
 

Khamiis, October, 27, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad.

Intii uu socday wadahadalka ayaa labada dhinac waxa ay uga wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo horumarin lahaa.

Hogaamiyayaasha ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee diblomaasiyadda caalamiga ah iyo tan gobolka.

Kulanka madaxweynaha iyo amiirka Qatar ayaa kusoo aaday labo maalin kadib markii dowladda Soomaaliya ay sagootisay safiirkii Qatar ee Soomaaliya, Xasan Bin Xamsa Haashim.

Dowladda Qatar ayaa sidoo kale Dr. Abdullah Salem Nasser Al Holi Al Nuaimi usoo magacaabatay safiirka cusub ee Qatar u fadhin doona Soomaaliya.

Qatar ayaa kamid ah dalalka carbeed ee saamaynta xooggan ku leh arrimaha siyaasada Soomaaliya. Dowladdii hore ayay si dhow u soo wada shaqeeyeen.

Taliyaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugida Soomaaliya Mahad Salaad ayaa isna safarro aan la shaacin ku tagay dalkaas, si uu usoo celiyo taageeradii dowladda Qatar u fidin jirtay hay’adda NISA.