4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 27, 2022
Madaxweynaha Somaliland oo mar kale ka hadlay sida doorashooyinku usoo kala horaynayaan
 

Khamiis, October, 27, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa mar kale ku celiyay in doorashada urruradu ay kasoo horaynayso doorashada madaxtooyada, xili qaybo kamid ah bulshada Somaliland diidmo ka muujiyeen.

Madaxweynaha oo shirguddoomiyay shirkii Golaha Wasiirada Somaliland oo lagu ansixinayay miisaaniyad sannadeedka 2023, ayaa sheegay in doorashada urruradu kasoo horaynayso ta madaxtooyada.

"Shirka furitaankiisa waynu wada ogayn wasiirka maaliyada sida uu usoo qorsheeyay miisaaniyada, xoogana uu u saaray doorashooyinka axsaabta iyo ta madaxweynaha oo ku xigta" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in 10 milyan ay miisaaniyada ugu jirto diwaangalinta codbixiyayaasha iyo doorashada urrurada, waxa uu sheegay in diwaangalin kali ah lagu wada gali doono doorashooyinka xisbiyada iyo madaxtooyada, si looga fogaado kharash badan.

"Waxa ku lifaaqan tii diwaangalinta oo iyaduna 5 milyan ah, markaa waa 10 milyan xisbiyada kharashkoodu, sidoo kale ta madaxtooyada waxaanu ku galaynaa diwaangalintan, waxan aynu iskugu soo dhawaynayno doorashooyinka, 10 milyan ayaynu dhimaynaa"ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in xukuumadiisu ay u jihaysatay sidii doorashooyinka dhakhso loogu qaban lahaa.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]