4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 30, 2022
Cumar Cabdirashiid: Haddi ay run noqoto muddo kororsiga, waxay u badan tahay in ay wiiqdo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab
 

Axad, October, 30, 2022 (HOL) - Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa sheegay damaca muddo kordhinta madaxda Soomaaliya, inay wiiqayso dagaalka ka dhanka ah Al Shabab.

Cumar Cabdirashiid oo qoraal soo dhigay bartiisa twitterka, wuxuu sheegay inay ceeb ku tahay inay u hanqal taagaaan muddo markii hore kasoo horjeedeen in loo sameeyo madaxii ka horraysay.

“Haddi ay run noqoto wararka xanta ah, waxa ay abuuri doontaa saameyn liddi ku ah, waxayna u badan tahay in ay wiiqdo dagaalka ka dhanka ah Al Shabab,” ayuu yidhi, Cumar Cabdirashiid.

Hadalka raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa kusoo aaday xilli madaxda dowladda federalka iyo dowlad goboleedyadu ay ku shirsan yihiin magaalada Muqdisho.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in muddo labo labo sano ah ay ku darsanayaan xilalkooda, balse si dhab ah looma oga arrintaas, waase xog la helay.

Horeyba qaar kamid ah madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa kororsaday muddo xiloodkooda, iyagoo hal hal sano ku kororsaday.