4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 1 , 2022
Puntland oo ka hadashay sababta ay xiriirka ugu jareen wasaaradda maaliyadda ee dowladda Soomaaliya

Khamiis, September, 1, 2022 (HOL) - Wasiirka maaliyadda Puntland, Xasan Shire Abgaal ayaa ka hadlay sababta ay dowlad goboleedyadu xiriirka ugu jareen wasaaradda maaliyadda ee dowlada federalka Soomaaliya.

Wasiir maaliyadda Puntland, Mr, Abgaal ayaa sheegay inay diidan yihiin in dowladda federalku isku koobto dhaqaalaha magaca Soomaaliyeed lagu bixiyo ee loo baahan yahay sida uu sheegay, in Soomaali si siman loogu qeybiyo.

“Waxaan idiin sheegayaa qolyahan aan sheegayo, ama ha ahaadeen World Bank ama IMF, waxaa shardi ah inaan wada shaqayno oo wada tashano oo is oggolnahay. Haddaan anigu Garowe iska farriisto Xamar waxba u socon mahayaan,’ ayuu yiri Wasiir Abgaal.

Wasiirka ayaa meesha ka saaray in Puntland doodeedu ay tahay qeybsiga dhaqaalaha kasoo xarooda dekeda iyo Airport-ka Muqdisho.

Wasaaradaha maaliyadda dowlad goboleedyada ayaa xiriirka u jaray wasaaradda maaliyadda dowladda federalka, kadib markii ay ku eedeeyeen inay jebisay heshiisyadii maaliyadda ee horey loo kala saxiixday.

Waa khilaafkii ugu horreeyay ee soo kala dhexgala dowlada federalka iyo dowlad goboleedyada, waxaase jira in madaxweyne Xasan Sheikh uu qorshaynayo inuu dhawaan shir la qaato dowlad goboleedyada, si loo gaaro heshiisyo wada shaqaynayd oo cusub.