5/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 10, 2022
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay burburisay saldhiggii Alshabaab ee deegaanka Mubaarak
 

Sabti, September, 10, 2022 (HOL) - Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Mubaarak oo ahaa barta ugu wayn ee Alshabaab ku lahaayeen gobalka Shabeellaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa deegaankaan ku arurin jiray Lacagaha ay shacabka qaado, waxayna dowladdu sheegtay in howlgalka lagu dilay Horjooge magaciisa lagu soo koobay Carab, oo ahaa ku xigeenkii Alshabaab ee deegaanka Mubaarak.

Sidoo kale weerarka waxaa ku dhaawacmay ku dhowaad 10-kale oo ka tirsan Alshabaab  oo ay ku jiraan Cusmaan Daa’uud oo ahaa horjoogihii ugu sareeyay Alshabaab ee deegaanka Mubaarak iyo horjooge kale oo lagu magacaabo Ow Maay Kaas oo Alshabaab u qaabilsanaa dhaqaale aruurinta.

“Howlgalkaan wuxuu ahaa mid bartilmaameed ah oo lagu beegsaday halka ay ugu yeeraan Argagixisada xarunta Maaliyadda, waxaana xilliga howlgalka uu dhacay ku sugnaa horjoogayaal sar sare iyo maleeshiyaad argagixiso ah” ayuu yiri sargaalka la hadlay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in dad shacab ah lagu haystay xarunta dhaqaalaha Al-Shabaab ay ku aruurinayeen xilliga howlgalka laga samaynayay.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii dowladdu howlgal nuucaan oo kale ah ay ka fulisay tuulada Basra ee gobolka Shabeeladda dhexe, halkaas oo ururka Alshabaab uga yeeri jireen inta badan dadka ganacsatada ah markay canshuur kusoo rogaan.