5/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 1 , 2023
Somaliland oo ka jawaabtay walaacii uu Maraykanku ka muujiyay xaalada Laascaanood

Sabti, April, 1, 2023 (HOL) - Somaliland oo ka jawaabaysa walaacii Maraykanka ee colaada Laascaanood, ayaa sheegtay in ay samaysay waxkasta oo nabad lagu gaadhi lahaa, lakiinse ay xoogaga kasoo horjeeda diideen talaabo kasta oo nabadeed.

War-saxafadeed kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa lagu sheegay in Somaliland ay beesha caalamka la qabto walaaca laga muujinayo sii socoshada colaada Laascaanood, oo ay sababtay dil loo gaystay sarkaal ka tirsana xisbiga Waddani.

Waxa lagu sheegay qoraalka in Somaliland ay Laascaanood ciidankeeda ka saartay, isla markaana ay ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ah, ayna taageertay dadaalo dhexdhexaadineed oo ay isku xilqaameen odayaal dhaqameed iyo qaar kamid ah dowladaha dariska, lakiin uu dhinaca kale diiday waxkasta.

"Waxay sii wadeen qalalaase iyo faafin xog aan sax ahayn si ay uga sii daraan xaalada gobolka, ayna cagsi galiyaan madaxbannaanida Somaliland, 2 dii billood ee Lasoo dhaafay millateriga Somaliland wuxuu wajahayay weeraro joogta, isagoo is xakamaynayay" ayaa lagu yidhi war-saxaafadeeda.

Waxa kale oo lagu sheegay in dadaalka nabada ay hor istaageen kooxaha dagaalamaya oo iskugu jira Al-shabaab, ciidamada Puntland iyo ciidamada dowlada Soomaaliya, isla markaana dhawaan Laascaanood lagu dilay sarkaal ka tirsan ciidamada uu Maraykanku tababaray ee Danab.

Waxa kale oo lagu xusay in Somaliland ay Maraykanka ka codsanayso in uu Puntland ku qanciyo in ay joojiso ciidamada dhulkeeda ka imanaya, iyo in ay ogolaato in odayaashu ay wadahadal galaan, qoraalka ayaa inta raaciyay in Somaliland ay xaq u leedahay in ay difaacdo madaxbannaanida dhulkeeda.

Waxa lagu sheegay in xoogaga ka dagaalamaya Laascaanood anay garaadada u ogolayn in ay wadahadal galaan, isla markaana hadii aanu Maraykanku indho dhexdhexaadnimo ah xaalada ku eegay ay keeni doonto in ay colaadu daba dheeraato.

Ugu danbayntii, waxa qoraalka lagu sheegay in Somaliland ay ka go'antahay in la qabto doorashooyinka isla markaana guddida doorashooyinka looga fadhiyo khariidadii doorashada.