5/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 1 , 2023
Dagaal saaka markale ka qarxay duleedka magaalada Laascaanood
 

Sabti, April, 1, 2023 (HOL) - Dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo xoogaga kula dagaalamaya Laascaanood, ayaa ka socda duleedka Laascaanood.

Somalililand ayaa dhankeeda sheegtay in ay ciidamadeeda soo weerareen kooxo argagixiso ah iyo huwan ay hogaaminayso Puntland, inkasta oo ay 26 bishan sheegtay in ay qaadi doonto weeraro ay kula dagaalamayso xoogaga kasoo horjeeda.

Ciidamada ayaa soo bandhigay gaadiid iyo maxaabiis ay ku qabteen dagaalka saaka, maxaabiista la qabtay waxa ku jira Faarax Dalmar oo ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland, oo Laascaanood u yimid si uu Somaliland ula dagaalamo.

Dowlada Maraykanka ayaa Somaliland ugu baaqday in ay ciidamadeeda dib uga qaado furinta, iyadoo dhanka kalena ugu baaqday in anay wax weerar ah ku qaadin millateriga Somaliland.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa qoraal uu bartiisa Twitterka ku baahiyay oo uu kaga jawaabay codsiga Maraykanka, ku sheegay in xoogaga kasoo horjeeda ay diideen waan waan kasta Somaliland-na ay dhulkeeda difaacayso.

Waan waan ay wadeen odayaal dhaqameed reer Muqdisho ah, ayaan wali waxba ka tarin in dagaalku joogsado, isla markaana madaxda dhaqanka ayaan wali la kulmin xukuumada Somaliland.