5/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 1 , 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo xil cusub u magacaabay madaxweynahii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare
 

Sabti, April, 1, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta u magacaabay Maxamed Cabdi Waare inuu noqdo Ergayga gaarka ah ee u qaabilsan dowladda xasillinta iyo Ilaalinta arrimaha rayidka ee goobaha dagaallada.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in magacaabista Ergaygaan uu Madaxweynaha mudnaanta koowaad siinayay qorshihiisa xakameynta qasaaraha rayidka si aysan waxyeello u soo gaarin dadka shacabka ah ee ku sugan goobaha ay ka socdaan howlgallada dalka looga sifeynayo kooxda Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qeybaha kala duwan ee talisyada ciidamada qalabka sida faray iney si dhow ula shaqeeyaan ergayga gaarka ah ee xasillinta iyo Ilaalinta arrimaha rayidka Maxamed Cabdi Waare oo horay usoo noqday madaxweynahii hore ee maamulka Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Ergayga gaarka ah ee xasillinta iyo Ilaalinta arrimaha rayidka Maxamed Cabdi Waare in uu xaqiijiyo gudashada waajibaadkiisa Qaran, si looga fogaado in dhibaato ay soo gaarto dadka Soomaaliyeed xilliyada dagaallada.

Gabagabdii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku booriyey Ergayga gaarka ah ee xasillinta iyo Ilaalinta arrimaha rayidka Maxamed Cabdi Waare inuu ka shaqeeyo sidii ay u heli lahaayeen deegaanada laga xoreeyey Al-shabaab maamul, xasilooni iyo adeegyo bulsho oo dhameystirin.