5/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 1 , 2023
Madaxweyne Xasan Sheikh oo xil cusub u magacaabay madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Guuleed

Sabti, April, 1, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ahaa madaxweynihii hore ee Galmudug u magacaabay Ergayga arimaha Somaliland.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh ay ka go'an tahay xaqiijinta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

"Mudane Cabdikariim Xuseen guuleed ayaa khibrad wanaagsan u leh arrimaha dib u heshiisiinta, xallinta khilaafaadka iyo marxaladihii kala duwanaa oo ay soo mareen wadahadallada Dowlad Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka madaxtooyada.

Madaweyne Xasan sheikh ayaa si deg deg u faray Ergayga in uu diiradda saaro sidii loo ambaqaadi lahaa wadahadallada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo la sheegay inuu qaadanayo doorkiisa hoggaamineed ee ku saleysan xal u helidda caqabadaha wadahallada.

Waa ergaygii labaad oo madaxweyne Xasan Sheikh uu magacaabo maanta iyo caawa.

Madaxweynuhu wuxuu maanta ergayga xasilinta iyo ilaalinta rayidka ee goobaha dagaalka u magacaabay madaxweynihii hore ee Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare.