5/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 2 , 2023
Xaaladda goobihii lagu dagaalamay ee magaalada Laascaanood oo degen maanta

Axad, April, 2, 2023 (HOL) - Xaaladda goobihii lagu dalaamay ee magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayaa maanta deggen, mana jiraan wax rasaas ah oo laga maqlayo halkaas.

Labada dhinac ayaa warbixinno ay soo saareen, wuxuu midba midka kale ku eedeeayay inuu masuul ka yahay dagaalkii shalay ka dhacay Laascaanood.

Warar aanu helnay ayaa sheegaya in dagaalkii shalay uu ahaa mid kamid ah dagaaladdii ugu khasaaraha badnaa ee dhexmara Somaliland iyo SSC.

Isbitaalada ku kala yaala magaalooyinka Burco iyo Garowe ayaa lakala geeyay dhaawacyo aad u badan, kuwaas oo kusoo dhaawacmay dagaaladdii shalay dhacay.

In ka badan 30 askari oo labada dhinac ah ayaa la aaminsan yahay inay ku geeriyoodeen dagaalka shalay oo kaliya, dagaalkaas oo socday ku dhawaad 12 saac oo xiriir ah.

Labada dhinac midna kuma guulaysan inuu aqbalo xabbad joojintii lagu dhawaaqay, iyadoo ay weli ay muuqato inuu socdo hub arursi ballaaran oo labada dhinac.

Somaliland ayaa ku hanjabtay inay sii wadayso tallaabooyinka milatari ee ay ku sheegtay inay ku difaacayso waxay ugu yeertay qaranimadeeda. Waxayna meel iska dhigeen baaqii Dowladda Maraykanka ee ahaa inay ciidamadooda ka durkiyaan magaalada Laascaanood.

Salaadiintii dhaqanka ee Muqdisho ka yimid ee waayadan ku sugnaa Garowe ayaa dhankooda ku guulaysan waayay inay labada dhinac ku qanciyaan in xal nabadeed la raadiyo.

Waxay soo gabagabeeyeen safarkoodii, iyagoo laga yaabo inay soo saaraan warbixin ku saabsan xaaladihii ay kusoo arkeen magaalada Laascaanood.