5/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 2 , 2023
Wasiirka Isboortiga Soomaaliya oo sheegay in xal laga gaaray khilaafkii ka taagnaa xiriirka kubadda cagta


Axad, April, 2, 2023 (HOL) - Wasaaradda dhallinyarada iyo isboortiga Soomaaliya ayaa sheegtay in xal laga gaaray khilaafka iyo kala qeybsanaantii ka taagnayd xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Wasiirka isboortiga xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Barre ayaa sheegay in 80% is-afgarad laga gaaray khilaafkii ka dhashay doorashadii hoggaanka doorashada xiriirka kubbada cagta Soomaaliay.

Wasiirka ayaa sheegay in Cali Shiino uu yahay guddoomiyaha rasmiga ah ee ay aqoonsan yihiin, isagoo sheegay in dhawaan la qabanayo xaflad la isugu keenay dhinacyada isku hayay xiriirka, si guud ahaan loo dhameeyo khilaafkii jiray.

Wasiirku wuxuu sheegay in ay  diyaarinayaan siyaasadda qaran ee isboortiga dalka, siyaasadaas oo uu sheegay inay hagayso isboortiga dalka.

Dhammaadkii bishii febraayo ayay ahayd markii doorasho iskasoo horjeeda oo Muqdisho lagu qabtay lagu kala doortay, Cali Cabdi Mohamed Cali Shiino iyo Aadan Xaaji Yabarow Wiish, oo labaduba isku haystay hoggaanka doorashada xiriirka.

Doorashadaas ayaa mugdi galisay mustaqalka xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, inkastoo haatan ay muuqato in howshaas xal laga gaaray.