5/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 3 , 2023
Garaadada SSC: Qeyb kama nihin wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, innagu kama tirsanin Somaliland

Isniin, April, 3, 2023 (HOL) - Garaadada SSC- Khaatuma ayaa soo dhoweeyay magacaabidda ergayga wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland.

Balse, garaadada SSC waxay caddeeyeen in aysan qeyb ka ahayn wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, islamarkaana ay hoos tagaan Dowladda Soomaaliya.

“Annagu wada hadaladaas nama quseeyaan. Wixii Somali weyn ka tahay baynu ka nahay. Waanse jecelnahay in wada hadaladaas ay miro dhalaan oo Soomaali midowdo, iskuna soo noqoto,” ayuu yiri Garaad Saleebaan.

Garaad Saleebaan wuxuu sheegay waxa ka Laascaanood ka socda inay ku salka ku hayaan, dad u dhimanaya midnimada Soomaaliya iyo kuwa doonaya in dalka lakala gooyo: Waxaan u dhimanaynaa oo dhulkeenna loo burburinayaa "inala go’a", innaguna waxaan leenahay "idinla go’imayno",” ayuu yiri Garaadku.

Garaadku wuxuu sheegay xiriirka Dowladda federalka iyo SSC-Khaatuma inuu wanaagsan yahay. Wuxuu tilmaamay inay ka filayaan in dowladdu sii wanaajiso xiriirka, maadaama uu sheegay inay iyagu katirsan yihiin Dowladda Soomaaliya.

Labo maalin ka hor ayay ahayd markii madaxweynaha Soomaaliya uu ergayga wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland u magacaabay, Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Maamulka Puntland ayaa dhaleeceeyay magacaabiddiisa, iyadoo ku tilmaamay ujeeddo siyaasiyadeed oo lagu dulminayo xaquuqda dadka kasoo jeeda gobolada SSC.