5/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 3 , 2023
Saddex haween ah oo ku dhaawacmay qarax ka kacay mid kamid ah gaadiidka ATMIS

Isniin, April, 3, 2023 (HOL) - Saddex dumar ah oo kamid ahaa haweenka jaadka iibiya ayaa ku dhaawacmay qarax ka kacay mid kamid ah gaadiidka ATMIS.

Lama oga waxa sababay qaraxaan. Hase ahaatee ciiidanka booliiska ee miino baarista gobolka Banaadir ayaa haatan baaritaan ka wada goobta uu falkan ka dhacay oo ahayd agagaarka isgoyska km4.

Holac kasoo baxay gaariga ciidanka ATMIS ayaa waxyeelo gubitaan ah gaarsiiyay saddexda haweenka ah, kuwaas oo qaad ku iibinayay hareeraha waddada laamiga.

Ciidanka ATMIS ee la socday gaariga qaraxu ka kacay ma jirto wax dhibaato oo iyaga kasoo gaartay, sidoo kale ma jirto waxyeelo weyn oo gaariga gaartay.

Arrintaan ayaa abuurtay shaki ku saabsan in qaraxu ka kacay waxyaabo saarnaa gaariga ciidanka ATMIS, taasoo hadda ciidanka booliisku ay baarayaan.

Guddoomiyaha degmada Hodan oo goobta falku ka dhacay saxaafadda kula hadlay, ayaa wuxuu sheegay in aysan arkin caddeymo muujinayay in gaariga qarax lala eegtay ama qarax lagusoo tuuray.

“Waxaa laga waayay wax saamayn ah ama miino dhulka la dhigay. Runtii gaarigana waxba ma gaarin saad aragtaan. Lugihiisuu ku socon karaa, shirkiisu waxba ma qabo,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Hodan.