5/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 3 , 2023
Puntland oo ka hortimid sharciyada midaynta dakhliyada shirkadaha isgaarsiinta dalka

Isniin, April, 3, 2023 (HOL) - Puntland ayaa ka hortimid sharciyadda isgaarsiinta ee maamulka iyo midaynta dakhliga isgaarsiinta dalka, kuwaas oo dhawaan dowladdu daahfurtay, si loogu dhaqo shirkadaha isgaarsiinta ee dalka.

Wasaaradda warfaafinta Puntland, ayaa sheegtay in inta heshiis siyaasadeed laga gaarayo inay Puntland ku dhaqmayso waxa uu farayo dastuurkeeda.

Wasaaraddu waxay fartay shirkadaha isgaarsiinta ee Puntland in aanay wax isbeddel ah ama saamayn ah ku yeelandoonin sharciyada kasoo baxay Dowladda federalka Soomaaliya.

Waxay wasaaraddu sheegtay in dowladda federalka in aysan  go’aan iskeed ah ka gaari karin awoodo ay la wadaagaan dowladaha xubinta Dowladda federalka.