5/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 8 , 2023
Somaliland oo ka hadashay eedaha sheegaya in ciidankeedu Laascaanood duqeeyay
 

Arbaco, February, 8, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa beenisay in ciidankeedu duqaymo ka gaystay Laascaanood iyo in  ay iyadu magaalada ka jartay adeegyada muhiim ka ah sida korontada.

Wasiir ku Xigeenka Warfaafinta Somaliland Pro: Siciid Habane, ayaa beeniyay eedaha sheegaya in Ciidanka Somaliland uu burbur u gaystay Laascaanood iyo in xukuumadu ka jartay adeegyada asaasiga ah.

"Xukuumada Somaliland waxay caddaynaysa in aanu jirin adeegyo ay ka goysay magaalada Laascaanood mana jiro waxyeelo ay u gaysateen ciidanka qaranku meelaha dadwaynaha, sida Isbitaalada iyo masaajida" ayuu yidhi Habane.

Waxa uu sheegay in adeegyada asaasiga ah ay marka horeba xukuumadu hirgalisay isla markaana anay burburin karin, waxa uu intaa raaciyay in kooxo uu ku tilmaamay argagixiso ay fadqalalo ka wadaan magaaada Laascaanood gudaheeda, isla markaana ay ciidamada weerarayaan.

Waxa uu sheegay in kooxo abaabulan ay baraha bulshada ku faafinayaan xogo qaldan, sida sawiro iyo muuqaalo aan Laascaanood ahayn, oo laga dhigayo dhibaato ay ciidamadu gaysteen.

Ugu danbaybtii waxa uu sheegay in xukuumada ay ka go'antahay in xaalada Laascaanood lagu dhameeyo nabad iyo wadahadal taa kasoo horjeed keeda Garaad Jaamac Garaad Ismaciil, ayaa sheegay in anay ogolayn wadahadal ilaa ciidamadu ka baxaan gobolka, isaga oo sheegay in ciidanku tacadiyo ka gaystay Laascaanood.

Maayarka iyo golaha deegaanka Laascaanood ayaa iyaguna dhankooda ciidamada ku eedeeyay in ay duqaymo ka gaysteen Laascaanood, iyaga oo ciidamada ugu baaqay in ay ka baxaan gobolka.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]