5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 12, 2023
Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo ka digtay halista caafimaad ee labo sharoobo oo sun laga helay
 

Khamiis, January, 12, 2023 (HOL) - Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay inay heshay digniino caalami ah oo ku aadan waxyeelada laba daawo oo sharooba ah kuwaas oo loo isticmaalo daaweynta xanuunada ku dhaca Neefmareenka.

Labada Sharoobo ayaa kala ah: AMBRONAL SYRUP iyo DOK-1 Max Syrup oo ay soo saarto shirkad lagu magacaabo MARION BIOTECH PVT. LTD oo laga leeyahay Dalka India.

Wasaaradda Caafimaadka waxay sheegtay in aysan xaqiijin karin in dawooyinkaas ay dalka yaalaan, laakiin waxay sheegtay iyadoo laga duulayo masuuliyaddeeda in dhammaan dhaqaatiirta Soomaaliyeed aysan u qorin bukaanadooda.

Wasaaraddu waxay ganacsatada Soomaaliyeed fartay inay joojiyaan ka ganacsiga sharoobooyinka, si loo ilaaliyo caafimaadka iyo badqabka bulshada.

Wasaaradda caafimaadka ayaa shacabka ku baraarujisay inay ka taxadaraan dawooyinkaas oo qatar caafimaad u keeni kara carruurtooda.

Baaritaan ay si wadajir ah u sameeyeen Hay’adda Caafimaadka Aduunka (WHO) iyo hay’adda maareynta daawada ee dalka Uzbakistan ayaa lagu ogaaday in daawooyinkaas tayadoodu hoosayso, kuna jiraan xaddi badan oo kiimikaalis sun ah oo waxyeelayn kara habdhiska Jirka.