5/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 31, 2023
Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyay xubinimada Finland ee NATO

Jimco, Maarso, 31, 2023 (HOL) - Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa maalintii Khamiista  ansixiyey codsigii dalka Finland ee ka mid-noqoshada Gaashaan Buurta NATO.

Dhammaan 276 xubnood ee Baarlamaanka Turkiga ayaa u codeeyey in Finland loo ogolaado xubinimada NATO. Dhowr maalin ka hor ayuu dalka Hungary ogolaaday in Finland ka mid noqoto xubnaha NATO.

Xoghayaha Guud ee Gaashaan Buurta NATO Jens Stoltenberg ayaa arrintaan ku tilmaamay mid sii xoojineyso awoodda NATO.

Walaac ay ka muujiyeen duulimaadkii uu dalka Ruushka ku soo qaaday dalka Ukraine, ayeey dalalka Finland iyo Sweden codsadeen in ay ka mid noqdaan NATO. Labadaan dal ayaa waligood dhex-dhexaad ka ahaa awoodihii military ee qaaradda Yurub.

Ka mid-noqoshada Gaashaan Buurta NATO, waa in ay 30ka dowladood ee xubnaha ka ah soo wada ansixiy. Turkey iyo Hungary ayaa ah labada dal ee ugu dambeeyey ee u ogolaado dalka Finland.

Dalka Sweden oo soo codsaday in kuu biiro NATO ayaa waxaa wali hor-taagan dalka Turkiga oo dalka Sweden ku eedeeyey in ay taageeraan kooxaha argagixisada ah ee Kurdiyeenta oo dagaalka kula jira dalka Turkiga.
 
"Dalka Finland oo xad gaaraya ilaa 1,340 Kilomter la leh dalka Ruushka ayeey faa'ido weyn u tahay ka mid noqoshada xubnaha NATO, gaar ahaan marka laga fiirsho dhanka siyaasdda iyo deegaanka uu dalka Finland  kaga yaalo qaaradda Yurub" Ayeey tiri Prof. Mai’a Cross, oo bare ka ah Jaamadda Northeastern ee dalka Mareykanka.