4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 8 , 2023
Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida oo beenisay in abaarta ka jirta gobolka Daawo ay dad ugu dhinteen gaajo iyo haraad

Arbaco, Maarso, 8, 2023 (HOL) - Wasiirka Xafiiska Warfaafinta ee dowlad degaanka Soomaalida Cabdulqaadir Rashiid oo waraysi siiyay Qeybta Afka Axmaariga ee BBCda ayaa ka waramay xaaladda Abaareed ee ka jirta qaybo kamid ah dowlad degaanka Soomaalida.

Gobollada Daawo, Afdheer iyo Liibaan ay ka jirto xaalad abaareed oo aad u daran, isla markaana ay ku baaba'een xoolo badan, dad badanna ay ku barakaceen abaartan, isagoo xusay in dadka ku barakacay abaartan lagu hayo goobo gaar ah halkaana ay dowladdu xaaladooda kaga war hayso, waa siduu hadalka u dhigay Wasiirku.

Gobolka Daawo oo ah gobolka u daran ee ay abaartu ku dhufatay Wasiirku waxa uu xusay in dadkii abaarta kasoo barakacay oo ka badan ilaa 52 kun oo qoys lagu hayo goobo gaar ah, halkaana loogu qaybiyay Raashin iyo Calafka xoolaha, inkastoo sida uu Wasiirka Warfaafintu sheegay aysan dadkaasi ku filnayn gargaarkaasi haddana waxa uu Wasiirku sheegay in saddexdaasi gobol waa Daawo, Afdheer iyo Liibaan la gaarsiiyay gargaar kala duwan.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ee degaanka Soomaalidu waxa uu sheegay in gobolka Daawo ay abaarta darteed ku baaba'een xoolo gaadhaya ilaa 334 kun oo isugu jirta Geel, Lo' iyo Adhi, sidoo kalena xoolo kale oo intaa ka badanna ay qarka u saaran yihiin inay abaartan ku le'daan. Waa siduu hadalka u dhigay Wasiirka Warfaafinta ee dowlad degaanka Soomaalida Cabdulqaadir Rashiid.

Dhinaca kale Wasiirku waxa uu sheegay inaysan jirin wax dad ah oo ku sugan gobollada ay abaartu ku dhufatay oo ilaa iyo hadda u geeriyooday gaajo iyo haraad, isagoo xusay inay dowladdu la socoto oo ay ka war hayso xaaladda ay ku sugan yihiin dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku sugan dowlad degaanka Soomaalida, Waa siduu hadalka u dhigay Wasiirka Warfaafinta ee dowlad degaanka Soomaalida Cabdulqaadir Rashiid.

Hadalka Wasiirka Wasiirka Warfaafinta ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa kusoo hagaagaya xilli maalmo ka hor xildhibaan ka soojeeda gobolka Daawo uu Warbaahinta la wadaagey in dad u geeriyoodeen gaajo iyo haraad ay keentay abaarta ka jirta gobolka Daawo, isla markaana aysan dowladdu ka war hayn dadkaasi ay abaaruhu saameeyeen.

Guud ahaan gobollada Daawo, Afdheer iyo Liibaan ayaa waxaa ka jirta abaar aad u daran oo ay sababtay roobka oo aan muddo dheer ka di'in gobolladaas, taas oo keentay inay dadkii ku dhacdo abaar aad u dheeraatay, oo ay ku baaba'een dad iyo duunyaba.