4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 8 , 2023
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo Nairobi uga qeyb galay shirka wasiirrada maaliyadda geeska Afrika
 

Arbaco, Maarso, 8, 2023 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa ka qeybgalay shirka 15-aad ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika (Horn of Africa initiative).

Shirkaan ayaa looga hadlay horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha dalalka ku midoobay kulankaan, isagoo wasiirku uu ka jeediyay warbixin ku saabsanayd mudnaanta  ay Dowladda Federaalka u leedahay fulinta iyo hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee aan hore lagu heshiiyay.

Shirkaan muhiimka ah ee Wasiiradda Maaliyadda dalalka Geeska Afrika ayaa sidoo kale diirada lagu saaray sida uga wanagsan dalalkaan uga faa’iideysan lahaayeen fursadaha maalgalineed iyo kale muhiimka u ah iskaashiga Geeska Afrika.

"Waxa aan maanta magaalada Nairobi uga qeyb galay shirka 15-aad ee Wasiirada Maaliyadda Dalalka geeska Afrika (Horn of Africa initiative) shirkaas oo aan uga dooday horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha dalalka ku midoobay kulankaan,” ayuu yiri wasiirku

Shirkaan waxa sidoo kale ka qeybgalay wakiilo ka socday Bangiga Adduunka, Midowga Yurub iyo Bangiga Horumarinta Afrika, sida ay sheegtay wasaaraddu.