4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 8 , 2023
Madaxweyne Xasan Sheikh oo saxiixay saddex sharci oo uu barlamaanku meel mariyay
 

Arbaco, Maarso, 8, 2023 (HOL) - Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caawa saxiixay sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman, Sharciga Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka iyo  Sharciga Korontada Qaranka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in sharciyadan ay qeyb ka yihiin, hirgelinta hannaan dowladnimo oo ku dhisan sharci iyo xeerar nidaamiya hay’adaha  iyo awoodda dowladda.

“Dal casri ah oo qawaaniintu sareyso ayaan rabnaa, dalkani dowladiisa tilaab kasto oo ay qaadeyso hadey hormar tahay, amni tahay, siyaasad tahay dhamaan waxaa ay ku saleysnaanayaan sharciyo.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

Madaxweynaha ayaa barlamaanka ku bogaadiyay inay dadajiyeen sharciyo badan oo ay ku xirnaayeen arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay dayn cafinta

Wuxuu sheegay madaxweynuhu in hay'adaha dowladdu ay hadda yeelanayaan sharciyo ay ku shaqeeyaan si ay ugu horey ugu socdaan.