5/8/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Fadeexadda Gargaarka QM ee Soomaaliya

ARAGTIDA HOL
Tuesday, March 23, 2010

 

 

Warbixinta dhawaan ay soo saareen kooxda Qaramada Midoobay (QM) u xilsaartay dulmeeridaa arrimaha Soomaaliya (UN Monitoring Group) ayaa waxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (QM) siineysaa fursad qaali ah oo ay dib ugu eegaan dhibaatada dhabta ah ee ka jirta dalka Soomaaliya. Golaha Ammaanka ee QM ayaa Kooxdaan Baaritaanka u xilsaartay in ay baaritaan ku sameeyaan hubka sida qarsoodiga ah loo soo galiyo dalka Soomaaliya, raashin aan la gaarsiinin dadkii loogu talagalay iyo musuqmaasuq ka dhex jira qaybinta raashinka ay bixiso hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP.  Kooxdaan ayaad moodaa in ay sii ballaarsadeen baaritaankoodii oo ay ku darsadeen in ay dabagal ku sameeyaan ku takrifal la sheegay in uu ka jiro maamulka dowladda Soomaaliya.

 

Warbixintaan ayaa si qeexan u caddeyneysa in uu musuqmaasuq ka dhex jiro hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP iyo ganacsato Soomaaliyeed, waxay kale oo ay si gaar ah farta ugu fiiqday madax sarsare oo dowladda Soomaaliya ka tirsan oo la sheegay in ay iibsadaan VISAaha lagu galo wadamada Yurub.  Qaybo ka mida ah warbixintaan ayaa xaqiiqda u dhow in kasta loo baahanyahay in dhabteeda la gaaro, halka qaybo kale oo ka mid ah ay u muuqdaan in laga soo xigtay INTERNETKA iyo warbaahino aan lagu kalsoonaan karin.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaase la yaab leh in warbixintaan aanan gabi ahaanba lagag hadlin shaqsiyaadka musuqmaasuqa ku dhaqma ee u shaqeeya hay’addaha QM ee xaruuntoodu tahay magaalada Nairobi, ama shaqaalaha reer galbeedka ah oo sida xad-dhaafka ah u lunsaday dhaqaalihii loogu talagalay dadka ku dhibaateysan dalka Soomaaliya.

 

Haddii Xoghayaha QM Ban Ki Moon iyo Golaha Ammaankuba ay rabaan in ay tallaabo ka qaadan warbixintaan aan u aragnay in aysan dhameystirneyn, waa in ay si dhab  ah baaritaan ugu sameeyaan hay’addaha u xilsaaran gudbinta macaawinada Soomaaliya ee Nairobi ku sugan, kuwaas oo ka mamnuucanay in ay shaqaaleysiiyaan aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaga oo ka baqayo in la ogaado maamul xumida iyo musuqmaasuga halkaas ka jira.

 

Waxaan ku boorineynaa Golaha Amaanka, Dowladda Mareykanka iyo Midowga Yurub in aysan asaas ka dhigan warbixintaan aanan dhammeystirneyn dhibaatana u soo jeedi karta dowladdan tabarta daran ee Soomaaliya. Warbixintaan ayaa keeni karta in ay ka hor istaagto cuntadii loo gudbin lahaa dadka sida deg-dega ah ugu baahan kaalmada. Sidoo kale waa in la siiya fursad ay isku difaacaan hay’adda WFP iyo shaqsiyaadkii warbixintaan lagu xusay in ay geeyteen falala musuqmaasuq ah. Waxaase nasiib darro ah in kooxda soo diyaarisay warbixintaan ay noqdaan kooxda iska leh go’aanka kama dambeysta ah. Sida laga warqabo, markii la magacaabay xiriiriyaha kooxdan ayaa dowladda Soomaaliya gaar ahaan Safaaradeeda QM ay soo saartay qoraal ay ku diidantahay magacaabistaas.

 

Waxaan Madaxweyne Shariif kula talineynaa in uusan warbixintaan dhayalsan una saaro guddi dhexdhexaad ah ayna ka mid yihiin jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadda, aqoona u leh howlahaan la xiriira baaritaanka si ay u baaraan qaar ka mid ah xubnaha dowladda oo ay warbixintaan ku sheegtay in ay geysteen falal musuqmaasuq ah, waana in uu si deg-deg ah u hirgaliyaa wixii go’aano ah oo ay soo saaraan guddigaasi. Dowladda Soomaaliyana waa in ay qaadaa tallaabo ay isku nadiifineyso  soona ceshato sumcaddeeda sii xumaaneysa, waana in ay beesha caalamka iyo bulshada Soomaaliyeedba u  muujiyaan in ay diyaar u yihiin in waddanka dib ugu soo celiyaan dowlad wanaagii Soomaaliya horayba looga bartay.

 

Wixii tusaala ah, fadlan ku soo hagaaji [email protected]