5/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Hay’adaha Qaramada Midoobi ee Nairobi ma u wareegi kartaa Xamar?


Ergeyga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla oo xaruunta madaxtooyada kula kulmaya Madaxweyne Sharif Sh. Axmed.



ARAGITIDA HIIRAAN ONLINE
Thursday, March 04, 2010

 


Waxaa jirta dood ka dhex socota hay’adaha qaramada midoobi ee Nairobi kuna saabsan sidii shaqaalaha hay’adaha qaramada midoobi ee hadda ku sugan magaalada Nairobi ay uga hawlgali lahaayeen dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho. Doodaas ayaa waxaa fikirkeeda ka soo askumay ergeyga gaarka ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla.

Waxaase caddaatay in hay’adda hurumarinta u qaabilsan qaramada midoobi ee Soomaaliya (UNDP Somalia) ay arrintaas ka cagajiideyso sababna uga dhigeysa xagga nabadgalyada ayadoo isla markaasana ku amducooneysa in ay wax weyn ka qabatay horumarinta arrimaha nabadgalyada, dhismaha iyo dhammaan kaabayaasha dhaqaalaha. Haseyeeshee dad badan waxay qabaan in xafiisyada UNDP ee Nairobi loo wareejiyo Xamar ay tahay arrin macquul si ay u sahlanaato adeega iyo kaalmada ay UNDPdu u fidineyso Soomaaliya.

 

Ujeedada qoraalkan ma aha eedeyn loo soo jeedinayo UNDP Somalia, laakin waa aragti lagu muujinayo baahida loo qabo gudbinta iyo isku-xirka adeeg guud ee ay u xilsaarantahay UNDP Somalia maxaa yeelay waxay noogu muuqataa inaan Hoteelada lagu raaxeysto ee Nairobi laga dhex fulinkarin hawlaha xasaasiga ah ee sida weyn loogaga baahan yahay gudaha Soomaaliya.

 

Dadka u kuurgala hawlaha ay UNDPdu ka qabato Soomaaliya ayaa waxay sheegaan maamul xumo iyo ku xadgudub dhaqaalaha loogu talagalay in wax looga qabto macluusha iyo aafada ka jirta dalka Soomaaliya, ayaga oo ku baaqaya in ay hay’adda ka maqantahay hufnaantii, aaminimadii iyo xilkasnimadii looga baahnaa hay’ad UNDPda. Joogitaanka UNDPda ee Soomaaliya waxay kalsooni iyo rajo siinlahayd dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

 

Joogitaanka hay'adaha Qaramada Midoobi ee magaalada Nairobi ma aha mid keeneysa ujeedadii laga lahaa taabagalinta dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo ayadan laga sugayey in dib u soo celiso  ammaankii iyo xasinoolidii dalka. Taasna waxaa kuu caddeyn kara isbeddel la'aanta ka jirta hawlaha hurumarinta ee UNDP Somalia mudadii labaatanka sanno ahayd ee ay hawlaha ka waday dalka Soomaaliya  

 

1965 ayaa Golaha Guud ee Qaramada Midoobi (General Assembly) wuxuu unkay Hay’adda UNDP si ay hogaan ugu noqoto socodsiinta howlaha gargarka iyo qiimeynta baahida ka jirta wadamada soo korayo (Underdeveloped Countries). 

 

Hay’adda UNDPda ayaa waxay ku doodeysaa in malaayiin Dollar ku bixisay howlaha hurumarinta dalka Soomaaliya ayaga oo aan joogin gudaha Soomaaliya, taasoo keeneysa su’aalo aad u farabadan. Sida ku xusan shabakadda internetka ee UNDP Somalia, waxaa lagu bixiyey dhaqaale gaarayo 16 milyan  mashruuc loogu magac daray soo celinta ammaanka iyo kala dambeynta, waxay kaloo 23 Malyan oo dollar lagu bixiyey arrimaha dowlad wanaaga ee Soomaaliya. Sidoo kale, waxay dhaqaale gaarayo 7 Malyan oo dollar lagu bixiyey mashruuca soo maareynta iyo dib u soo celinta nolosha dadka.

 

Faa'idada ay leedahay in Hay'adda UNka  loo wareejiyo Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah:

1) Waxay hay'adda  kalsooni ka heleysaa ummadda Soomaaliyeed oo ay ka dhaadhiceyso in kharashkii hay'adda uu meel wanaagsan ku baxayo .

2) Waxaa halkaas ka abuurmaya  shaqooyin kobcinayo dhaqaalaha dalka Soomaaliya, markaasna qayb weyn ka qaadan karo nabad galyada iyo xasiloonada dalka  

 

Wasiirka qorsheynta ee dowladda federalka Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyey BBCda ayuu wuxuu aad uga soo horjeystay sheegashada UNDPda ee ah in boqolaal  Malyan oo dollar ay ku bixisay Soomaaliya

Sidoo kale, warbixin ay soo saartay UNta barnaamijka kala guurka ee Soomaaliya 2008-2009 waxay dhaliil weyn u soo jeedisay howlaha ay UNDPda ka qabatay Soomaaliya ee la xiriira dhinacyada horumarinta iyo dib u dhiska taas oo ay ku tilmaamtay fadhiidnimo. Warbixintaan ayaad moodaa in ay si buuxda u taageereyso 

 

Sida ku cad warqadda ay soo saartay hay’adda qaramada midoobi ee qorshaha Soomaaliya (2008-2009) ayaa waxay sheegeysaa in qorshihii dib u dhiska iyo horumarinta kaas oo la rabay in uu la jaanqaado gargaaridda dowladda federalka Soomaaliya ay ka soo bixeen daldaloolo iyo waliba cagajeed badan kaas sababna looga dhigayo kulamo isdabajooga ah oo ay ha’adda UNDP qabato iyo qorshe dijin waqti badan ku dhumay oo aanan faa’ido badan uga soo bixin kaalmada howlaha deg-deg ah ee sida weyn looga baahanyahay dalka Soomaaliya. Waxay marka nala tahay in la soo gaaray waqtigii si maskax furan loogu eegi lahaa fikirka uu soo jeediyey ergeyga gaarka ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla oo ah in dhammaan hay’adaha UNka loo wada wareejiyo dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

 

Waxaa jira wadamo khatarta la wadaaga dalka Soomaaliya haddana hay’adda UNka si wanaagsan uga hawlgalaan. Wadamadaas waxaa ka mid ah dalalka Iraq, Afganistan iyo Congo. Waxaa la soo gaaray waqtigii ay hay’adda Qaramada Midoobi ay si dhab ah dib ugu eegi lahayd hawlaha ay ka qabaneyso dalka Soomaaliya loona soo wareejiyo xaroomaheed ku yaala Nairobi magaalada Muqdisho