5/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Maxaa la gudboon R/Wasaaraha Cusub?

Aragtida Hiiraan Online - Ku aqriso af-ingriis
Monday, October 18, 2010

 


Madaxweyne Shariif iyo Ra'iisul Wasaare Maxamed Farmaajo


Bahda Hiiraan Online waxay hambalyo u dirayaan  mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo  magacaabista loo magacaabay jagada Ra’iisul Wasaarinimada ee dowladda Ku-meel gaarka ee Soomaaliya.  Marka la fiiriyo dhibaatooyinka faraha badan ee caqabadda ku ah qaranka Soomaaliyeed, waxaa Ra’iisul Wasaaraha la gudboon in uu dhageysto lana tashto  dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo ka walwalsan xaaladda uu maanta waddanka ku suganyahay.  Ra’iisul Wasaaraha (R/W) cusub waxaa marka la gudboon in uu la yimaado qorshe cusub, si loo badbaadiyo qaranka Soomaaliyeed inta uga hartay mudada KMG ah.

 

Rajo Xumo Guud

 

Ummadda Soomaaliyeed badankeeda iyo dadka u kuurgala arrimaha Soomaaliya, ayaa u arka magacaabista R/Wasaaraha cusub in ay tahay rajadii ugu dambeysay ee lagu badbaadin lahaa dowladda KMG oo xilligeedii ka harsanyahay muddo sannad ka yar. Raja-xumada shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan Dowladda KMG ah ayaa ku saleysan  wax-qabad la’aan oo ay u sii dheertahay is-qabqabsi dhexdooda ah taas oo sababtay in xoogagga ka soo horjeeda  dowladda ay isku ballaariyeen magaalada Moqdisho iyo koofurta dalka Soomaaliya.

 

Waxaan  shaki ku jirin in dowladda KMG ah ay ku guul-dareysatay in wax ka qabato wax yaabihii loo xilsaaray oo kala ahaa: Sugidda Ammaanka, Dhameystirka Dib-u-heshiisiinta Qarameed iyo Diyaarinta Dastuur cusub. Waxaa kaloo jirta in ay dowladda ku guul dareysatay in ay wax ka qabato  adeegyadii guud ee dowliga.

 

Qatar ku Soo Fool leh Qaranka

 

Ayada oo ay jirto in ay dowladdu dagaal kula jirto xoogagga xag-jirka ah, ayaa R/Wasaaraha cusub oo dhaxlayaa dowladda u kala qaybsan qabaa’ilo iyo dowlad goboleedy sida Puntland, Gal-Mudug, Xibin iyo Xeeb iyo Hiiraan State iyo kuwa kale oo jid ku soo jira.

 

Siyaasadda cusub ee dowladda Mareykanka ayaad moodaa in ay soo dadajineyso burburka dowladda dhexe , ayada oo xoojineysa maamul goboleedyada.  Siyaasadan cusub ayaa waxay carqalad ku noqoneysaa dib-u-dhisidda dowlad dhexe oo awood leh.

 

Ayada oo jiraan dhibaatooyinkaas aan kor ku soo xusnay ayaa R/Wasaaraha wuxuu haystaa fursad cusub uu ku soo celin karo sumcadda dowladda KMG taas oo u sahleyso in uu xiriir wanaagsan la sameysto bulshada caalmaka.

 

Dhibaato Kasta waxaa ka soo baxa fursado (Mahmaah shiiniis ah)

 

Waxaa marka is-weydiin leh muxuu R/Wasaaraha cusub ku soo kor-dhin karaa xaaladda hadda jirta?

 

Ugu horeynta, R/Wasaaraha cusub waa in weydiistaa Madaxweynaha iyo Baarlmaanka in uu u madax-bannaando howsha dowliga ah ee isaga loo xilsaaray. Haddii aanan la kala caddeyn howsha Madaxweynaha iyo tan R/Wasaarah, waxaa hubaal ah in isku-dhac horleh aanan la hureyn.

Tan labaad, waa in uu R/Wasaaraha soo dhisaa dowladda tiro yar laakin tayo leh kana kooban dad khibrad iyo waaya-aragnimo u leh shaqa. Waana in wasaaradaha leeysugu geeyaa sida ay isu-leeyihiin, tusaale Wasaaradda Waxbarashada iyo Dhaqanka, Wasaaradda maaliyadda iyo lacagta, Wasaaradda Caafimaadka iyo arrimaha bulshada.

 

R/Wasaaraha cusub wuxuu baal-dhab ah ka galayaa taariikhda haddii uu soo dhiso guddiyada hoos ku tixan oo kooban wax-garad iyo aqoon-yahan Soomaaliyeed:

 

-  Guddiga dastuurka: kaas oo dib u fiirsha dastuur qarameedka qabyada ah una diyaariyo in laga ansixiyo baarlamaanka Soomaaliyeed inta ka horeysa bish Agoosto ee sannadka 2011.


Guddiga dib u soo celinta qaranka Soomaaliyeed: Guddigaas oo ka soo taliya sidii looga bixi lahaa xilliga ku-meel gaarka.


-
Guddiga dib u heshiisiinta qaranka: Guddi ka taliyo sidii loo xallin lahaa dhammaan khilaafaadka ka dhax jiro ummadda Soomaaliyeed.

 

Waxaan shaki ku jirin in R/Wasaaraha cusub looga baahanyahay  xilligan kala-guurka in uu la yimaado xal uu kaga hortago dhibaatada ku soo fool leh ummadda Soomaaliyeed. Waa in uu ka faa’ideystaa siyaasadihii ay ku fashilmeen dowladihii ka horeeyey , ahmiyad gaar ah uu saaraa xoojinta nabad galyada si uu u kasbado taageerada shacabka Soomaaliyeed.


Aragtida Hiiraan Online
[email protected]