5/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Madaxda Dowldadda Soomaaliya waa in ay Wadashaqeeyaan


Khilaaf tixnaa ee u dhexeeyey madaxda ugu sareysa dowladii KMG ahaa laga soo bilaabo Cabdiqaasim Salaad ilaa iyo Cabdullaahi Yusuf iyo tan hadda joogta ee Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed  iyo Ra'iisul Wasaarihiisa Cumar Cabdi Rashiid.


Aragtida Hiiraan Online - ku akhriso Af-Ingriis
Wednesday, September 15, 2010


Madaxweyne Shariif Sh. Axmed iyo Ra'iisul Wasaarihiisa Cumar Cabdirashiid
Waxaa shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka caado u noqotay oo ay aqbaleen iska hor-imaadka joogtada ah ee madaxda ugu sareeyso Dawladda Ku-Meel Gaarka ah ee Soomaaliyeed. Iska hor imaadkan oo mararka qaar ah mid shaqsi ah ayaa ayaa sababa dib u dhac ku yimaada horumarinta hay’adaha qaranka.

Laga soo bilaabo xilligii Madaxweyne Cabdiqassim Salaad Hassan iyo Ra’iisul Wasaarayaashiisii Dr. Ali Khalif iyo Xasan Abshir iyo dawladdii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo Ra’iisul Wasaarihii Prof. Cali Ghedi iyo Nuur Cadde ilaa xilligan oo ay is haystaan Madaxweyne Sheikh Shariif iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Cumar Cabdirashiid waddanka Soomaaliyeed waxaa gelay ayaan darro ah in mar walba Madaxda ugu sareeysa dawladda ay isku haystaan arrimo  aan muhiimad badan lahayn oo ay iloobaan in ay wada shaqeeyaan si ay u dejiyaan barnaamij ama qorshe ka saari karo Ummadda Soomaaliyeed dhibaatada amaan darrada, dib u hesheesin run ah oo la helo,  habka dawlad wannaaga iyo dawlad oo ka mid noqoto bahweynta dawladaha adduunka.

Waxaan wada ognahay in kooxaha xagjirka ah  oo ku xiran argagixisada caalamiga ah ay ka go’an tahay in ay dagaal ku  burburiyaan dawladda ku meer gaarka ah.

Ayada oo ay dowladda dagaal joogta ah kula jirto kooxaha hubeysan, ayaa waxaa ayaan darro ah in ay madaxda dowladda ku mashquulaan khilaaf u muuqda in midba midka kale rabo in uu kursiga ka tuuro taasna waa arrin aanan u cuntamaynin ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba.

Waxaa shaki ku jirin in dad badan oo rayid ah ay maalin walba ku dhintaan qaar kalena ka qaxaan magaalada Muqdishu inta ku hartayna ay halis u yihiin xabadaha iyo madaafiidca aan loo fiirsan oo ay isku tuuraayaan labada dhinac
 
Waxaa hubaal ah in ay jiraan hawlo muhiim ah oo u baahan in la qabto inta uu waqtiga ku meel gaarka ah ka dhammaanin oo ku aadan dhammaadka bisha Agoosta ee sanadka 2011.  Sannad iyo barkii la soo dhaafay wax la taaban karo oo umadda wanaag u ah oo ay dawladda sameysay ma jiraan gaar ahaan sidii looga bixi lahaa nimdaakan ku-meel-gaarka ah loogana gudbi lahaa dowlad joogta ah oo si dhab ah ugu adeegta ummadda Soomaaliyeed

Hiiraan Online waxay ugu baaqeysaa Madaxda Dowladda Ku-meel-gaarka ah iyadoo ku mowqif ah beesha caalamka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed in ay  si deg-deg ah u xaliyaan khilaafka u dhexeeya una soo jeestaan howsha adage e hortaala oo ah sugidda ammaanka iyo nabadgalyada waddanka iyo dib u dhisidda hay’adaha qaranka.

Aragtida Hiiraan Online
[email protected]