4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Shariifyaalo, Sheekhyaalo, Sharmaarke, iyo Shabaab Shacabka yaa ka qabta!

by Yusuf-bile Abdi
Sunday, September 19, 2010

 

Waxaa laga yaabaa inaan aniguba kamid ahaa kuwii rajada iska fiicnaystay oo mar is yiri: “War haddii qaar kamida kuwii QORI-diineedka qarannimadda ku raadinayay qaybta wax laga siiyay, kolley, shacabka qaniinyada waa loo dabcin doonaa!” Lakin sidaa ma noqon.

 

Waa la dareemi karay in qarannimo aysan sidaa ku iman karin, lakin dad baa islahaa: “Armaa gacmaha dambiilayaasha wax ku toosaan, dabadeedna lagu ciqaabaa nidaamkii ay gaacmahooda ku toosiyeen.” Balse sidaa ma noqon.

 

Kuwa kalaa ku fikiray: “Armay kuwakani dhaamaan  kuwa waxii ay qabtaann gowrac ugu jiidaya, wixii ay gaariwaayaanna iskusoo qarxinaya!” Lakin waala ogaadayoo wuxu wax badan isma dhaamaan.

 

Sidoo kale waxaa iyana jiray kuwo aaminsanaa in arintu iska hagaagi doonto mar hadii Indha-adayga iyo qiyaanada dahsoon ee Shariifyaalo lagu shaqlay Hido-madaxeedka laga dugsanayay Sharmaarke. Lakin waa loo wada jeedaa waxa laga dhaxlay inay yihiin: Madaafiicda AMISOM, Barakaca Shacabka, Jeenan cunid iyo Is-eedayn.

 

Waxaan weli xusuustaa kuwakaloo 6sano kahor ku fadhi-kudiriri jiray “Haday toostay, marhaddii Soomaali Qaraxa  Yusuf  iyo Qalinka Geedi la i sugu barxay.’’ Waxaa hadaladooda ka mid ahaa “Kuwa habeenkii shaqeeya Yusuf baa la shaqayn…” lakin waan wada ogayn halkii ay ku dambaysay xisaabtaas oo Gabraa ka arimiyay.

 

Rajadan laab-lakaca ah isdhamaystirkan siyaasadeed ee aan qof kaligiis xikmad iyo aqoon ummadan ku hogaamin karin way ka dhaxjirtay saaxada siyaasadda fowdaysan ee Soomalida 20kii sano ee ugu dambaysay. Waan xusuusanaa in la isku kabay Cali Mahdi iyo Cumar Carte;  Waxaa la isku saliday Caydiid iyo Cali Mahdi; waxaa isla gudoomiya la yiri Cali Mahdi iyo Xuseen Caydiid; waxaa la isku dooray Cabdi Qasim iyo Cali Khalif; waxaa la soo wada diray Yusuf iyo Geedi; ka dibna Shariif iyo Sharmaarke.

 

Markii aan meel iska dhigo inta  aan kor ku soo sheegay ee rajada iska wanaagsatay iyo kuwo si kale u taageersanaa nidaamkan SH’a da u batay, waxaa jiray kuwakaloo aaminsanaa inaysan waxba isbadali doonin inay kasii darto mooyaane. Qolooyinkan waxay isugu jireen (inta aan aniga ogahay) shan kooxood:

 

1.      Koox Qori-diimeedka wax ka waday oo uu Sheekh Aways hogaaminayay oo u aragtay in kursigii ay uwada oradayeen ama U KALA ordayeen qayb iyaga ka mid ahi uga hormartay. Sidaa daraadeed bay HABAAR iyo HUB-ba  kaga hortageen saaxiibadii ay Casmara wada joogi jireen.

 

2.      Shabaab oo aan u baahnayn inaan markaan waxbadan ka sheego waayo beladu markay qarsoontahay waa FITNO markii ay sidii qoraxda u soo shaacbaxdana waa SHAR. Sidaa daraadeed, sharaxaad badan Shartu uma baahna maanta. Calaakulli xaal, waxa kaliya ee aan ka sheegi karo ee uu qof walbaa fahmi karo waa: Xikmadooda kabilaabata GAALAYNTA kuna dhamaata GOWRACA!

 

3.      Warbaahinta badankeed oo nasiib daro gacanta ugu jirta dad aan ehel u ahayn (aan aqoon saxaafadeed iyo mid wadaniyadba lahayn). Tan waxay sababtay in  warbaahintu qaasatan idaacadaha dagaalada iyo rabshadaha utabiyaan sida ciyaaraha lootabiyo qilaafkana u huriyaan sidii dabka, nidaamkii lasoo dhoo-dhoobana u fasira qabiil isagoo aan weli qabiilkii noqon.  

 

4.      Ganacsatada oo qaarkood ka seexday fidnada daminteeda, qaarna fidnada wax ka huriyay oo u arkay in nidaam iyaga wax ka dhagaystaa uu ka soo bixi doono markii ay fidnadu dhalaasho. Lakin nasiibdaro badankood fidnadii baa shar ku noqotay oo BAAD ka qaada maanta!

 

5.      Kooxd aqoonyahano dibadeed ah oo lagu kabay kooxo qurba joogta ah oo urakayay inaysan meesha oolin aqoon, hogaan, karti, iyo taageero caalami ah oo dhamaystiran, sidaa daraadeed, qaarbaa qaylo dhaamiyay, qaarna shibtooday xuleen oo sharbay iska niyaysteen. Shartiina maanta waa dhabowday!

 

Si kastaba ha ahaatee, akhristow, waxaan dhamaanteen maanta u jeednaa in uu bur-bur ku socdo waxa hadder jira oo ay sida muuqato xalkoodu noqon doono in IGAD isku sa-sabto illaa mid iyaga ka mid ah la dhihi doono meesha isaga tag waa lagu tijaabiyaye.

 

Hadaba, waxaa hadder muuqata fursad ay ka faa’iidaysan karaan aqoonyahanadda iyo qurba joogta qalbiga san oo ay Bulshada Caalamka kaga dhaadhicin karaa in laga daayo Soomalida tijaabada qaldan ee abaalmarinta dambiilayaasha iyo siyaasadda ah faashad ku duubidda boog aan la daawayn. Waxaa la joogaa waqtigii aqoonyahana ay hadalka iyo qoraalada u badali lahaayeen hawl iyo qaran doonis. Hadii ay su’aashu tahay: meeshu waa dhiiqowdaye xageebaa wax laga bilaabaa?  Jawaabta waxaa laga yaabaa inay soo baxdo markii dhiiqada si xal doonis ah loo dhexgalo.

 

Ugu dambayntii, waxaa kaftamay mid ka mid ah aqoonyahanada qurba joogta ah iyo oday dhaqameed isagana markaan qurba joogta ku soo biiray.

 

Oday dhaqameedkii baa yiri: “War aqoon yahankiina maad wadankii tagtaanoo xalisaan idinkuu markaan idiin baahanyahaye; wad ogtihiin  anaga gacantaan ka taagnaye?’’

 

“Taangi shi-sheeye qof aan lagu qaadin wadankii ma tagi karo.” Sidan waxaa ku jawaabay aqoonyahankii.”

 

Oday dhaqameedkii baa yiri“ Oo aqoonyahanka maxaa u diiday inuu Taangi shi-sheeye  fuulo haddii uu wax xalinkaro illayn taangina malahan cilmigiisana cidna ma dhagaysanayso markaan oo  cadowbaa ka sokeeyee…!?


Yusuf-bile Abdi

[email protected]

 



 





Click here