4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Xeer Jabjab Qaran ma Dhiso ee waa Dumiyaa

Sheiknor Qassim
Friday, August 12, 2011

Ku dhaqanka qawaaniinta waa saldhigga aasaasiga u ah sare u qaadidda karaamada dalka, kala dambeynta hay’adaha hoggaaminta, xoojinta xiriirka iyo nabad ku wada noolaanshada bulshada, badbaadinta bay’adda, kobcinta dhaqaalaha, adeegyada bulshada, sinnaanta, caddaaladda iyo guud ahaan horumarinta dalka.

Dal kasta wuxuu leeyahay Dastuur ama Heshiis Bulsho oo ah sharciga ugu sarreeya uguna muhimsan shuruucda Dalka, shuruucda kaloo dhanna la doonayo inay waafaqaan, isla markaasna sharci kastoo ka horimaanaya uu yahay wax kama jiraan. Dastuur wuxuu qeexayaa ujeeddooyinka  iyo mabaadiida aas-aasiga u ah bulshada, awooda Dowladda, hay’adaha ay ka kooban tahay Dawladdu (Sharci Dejin, Fulin iyo Garsoor); waxaa kaloo ku qoran xuquuqda, waajibaadka iyo awoodaha dadku leeyihiin. Dastuur wuxuu kaloo dhiirigelinayaa xuquuqda aadanaha, talinta sharciga, shuruudaha guud ee xeerka caalamiga, kala soocidda awoodaha sharci-dejinta, fulinta iyo garsoor madaxbannaan oo leh hannaan ku dhisan la-xisaabtan iyo hufnaan oo salka ku haya danaha dadweynaha.

FAA’IIDADA AY LEEDAHAY KU DHAQANKA QAWAANIINTA DALKA

Dalalka Horay u maray waxay caan ku yihiin ku dhaqanka qawaaniinta u degsan si ay u maareeyaan nabad ku wada noolaanshada, ka hortagga dembiyada iyo falalka keeni kara iskahorimaad iyo khilaafaad keeni kara dagaalo sokeeye iyo kala jajab ku yimaada Qarannimadooda.

Dalalka horay u maray marka ay ka dhacaan khilaafaadyo waxaa lagu xalliyaa si waafaqsan qawaaniinta u degsan, waxaana erayga ugu dambeeya iska leh Makmadadda Sare ee dalalalkooda u dhisan.

Makmadaha Sare ee dalalka horay u maray waa hay’ad ka madaxbannaan labada hay’adood ee kala ah: (1) Sharci-Dejinta oo ah Barlamaanka iyo (2) Fulinta oo ah Xukuumadda.

Soo magacaabidda xubnaha Maxkamadda Sare waxaa iska leh Xukuumadda, oggolaanshahoodana waxaa iska leh Barlamaanka.

Mar haddii la dhammeystiro magacaabidda iyo oggolaanshada xubnaha Makamadda Sare, awood uma laha Barlamaanka iyo Xukuumada inay xilka ka qaadaan xubnaha Maxkamadda Sare. Sida keliya ee xubinnimadooda ku waayi karaan waa iyaga oo dhinta ama gudan kari waayo xilalkooda ama istaqaalo geeya.

Xubnaha Maxkamadda Sare cabsi kama qabaan in Barlamaanka ama Xukuumadda ay ka qaadaan xilalkooda, taas ayaana ka dhigeysa hay’ad madaxbannaan oo dhexdhexaad ah, go’aanka ay gaaraana cid walba ayaa u hoggaansanto.

DHIBAATOOYINKA AY DAL U KEENI KARAAN KU DHAQANKA XEER JAJAB

Dalalka soo koraya, gaar ahaan Afrika  waxay caan ku yihiin ku dhaqanka xeer jajab iyadoo laga leexanaayo qawaaniinta dalka u degsan si loo xaqiijiyo danaha gaarka ah ee qabaa’ilka ama kooxaha gacanta ku haya xukunka dalalkooda.

Dalalka soo koraya marka ay ka dhacaan khilaafaadyo waxaa lagu xalliyaa xeer jajab mana ku dhaqmaan qawaaniinta dalka u degsan.

Makamadaha Sare ee dalalka soo koraya waxaa lagu tilmaamaa inay yihiin hay’ad ka madaxbannaan labada hay’adood ee kala ah: (1) Sharci-Dejinta oo ah Barlamaanka iyo (2) Fulinta oo ah Xukuumadda.

Soo magacaabidda xubnaha Makmadaha Saree ee dalalka soo koraya waxaa iska leh Xukuumadda waxaana oggolaada Barlamaaanka.

Xubnaha Makamadaha Sare ee dalalka soo koraya ma laha dammaanad madaxbannaani (sida kuwa dalalalka horay u maray), maxaa yeelay Xukuumadda iyo Barlamaanka ayaa ka qaadi kara xubinnimadooda. Sidaas darted, waxay u adeegaan hadba cidda gacanta ku hayso xukunka dalka.

Inta badan, marka  ay ka dhacaan khilaafaadyo dalalka soo koraya, gaar ahaan Africa, waxaa halkii qawaaniinta lagu kala bixi lahaa, dhaca:

1.      Dagaalo sokeeye, oo qabiil-qabiil ama koox-koox laysku laayo;

2.      Ciidammada Qalaka Sida oo afgambiya Xukuumadda;

3.      Faragelin shisheeye oo aan marneyn dano gaar ah.

Waxaa isweydiin mudan, sidee baa dalalka Afrika uga bixi karaan habacsanaanta, dagaalada sokeeye, macluusha iyo guud ahaan horumar la’aanta ku habsatay?

Waxaan aamminsannahay in dalalka Afrika sida keliya ay uga bixi karaan dhibaatooyinka iyo khilaafyada halakeeyey ay tahay inay ku dhaqmaan qawaaniinta ay degsadeen, danaha qabiil ama koox gaar ah ay ka hormariyaan danaha guud ee dadweyanaha oo dhan, si loo gaaro sinnaan, caddaalad, nabad ku wada noolaansho, xukun wanaag, horumar iyo barwaaqo.

Qawaaniinta dal kasta waa in lagu saleeyaa xoojinta jiritaanka qarannimadooda, isla markaasna lagu damaano qaadaa:

1.      In sharciga uu ka wada sarreeyo shaqsi kasta ama hay’ad kasta.

2.      In awoodda sharciga uu san ku dhicin hal gacan. 

3.      In haddii laysku qabsado sharciga ay jirtaa hay’ad ka madaxbannaan, isla markaasna kala saari karto hay’adaha dawliga ah.

Haddi aan si gaar ah uga hadlo Soomaaliya, waqtigan xaadirka waxaa jiraa khilaafyo hareeyey sida qawaaniin dalka lagu dhaqo loo qori lahaa, waxaana jira afkaar kala duwan oo kooxba si gaar ah u wadato.

Waxaan wada ogsoonnahay in hadda lagu guda jiro dhammeystirka Qabyo Qoraalka Dastuurka Dalka

Dastuur waa heshiis bulsho oo damaano qaadaya in dowladda ay noqoto mid u adeegeyso, daryeeleyso isla markaasna difaacayso danta guud ee dadweynaha Soomaaliyeed.

Qabyo Qoraalka Dastuurka ma dhaqan geli karo ilaa la helo jawi saamaxaya in muwaadiniinta ay aftidooda ka diibtaan oggolaanshaha ama diidmada dastuurka.

Inta aan la qaadin aftida waxaa loo baahan yahay in muwaaniinta ay helaan fursad ay ku aqriyaan, kaga doodaan, wax kaga beddelaan ama ku biiriyaan aragtidooda.

Waxaan qabaa in dalka dastuur u baahan yahay laakin loo baahan yahay in lagu saleeyo baahida bulshada, dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed iyo Diinta Islaamka, si uu u noqdo mid kafaala qaadaya midnimada, wada noolaanshada iyo jiritaanka Qaranka Soomaaliyeed.

Wa Billahi Towfiiq


Qore: Sheiknor A. Qassim
[email protected]


 





Click here