4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Heshiiska Kampala Waa Baadil

Afyare Cabdi Cilmi, Doha, Qadar
Khamiis, June 09, 2011

 

Heshiiska ay maanta ku saxiixeen Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiye Shariif Xasan Sheekh Aadan magaalada Kampala wuxuu dhaawac weyn u geystay hey’adaha dowladda, wuxuu ku xadgudbayaa Axdiga Qaranka, wuxuuna dhib weyn ku yahay maslaxadda ummada Soomaaliyeed.

 

Sidaa daraadeed, waxaa lama huraan ah in dadweynaha Soomaaliyeed ay u guntadaan sidii waxyeellooyinka heshiiska ku jira looga hortagi lahaa.

 

Tan hore heshiiska Kampala waxaa uu dhaawacayaa hey’adaha dowladda ku meel-gaarka ah. Run ahaan, dadka ka shaqeeyey heshiiskan waxa iskaga qaldamay hey’adaha dalka iyo shaqsiyaadka madaxda ka ah. Taasina waxa ay keentay inay ka soo baxaan go’aanno aan wax shaqo ah ku lahayn wixii la isku hayay.

 

Dhaawaca ugu weyn waxa uu soo gaaray baarlamaanka iyo xukuumadda. Go’aankii xubnaha baarlamaanku wada lahaayeen waxaa la siiyay Af-hayeenka, xukuumaddiina waaba lagu burburiyey.

 

Malaha si qodobkan loo fahmo waxaa lagama maarmaan ah in la fahmo waxa la isku hayay. Waxaa dhamaanayay xilligii KMG ahaa oo dowladda loo qabtay oo ku ekaa August 2011. Hey’adaha Soomaalida iyo shaqsiyaadka madaxda ka ah waa ku kala aragti duwanaayeen habka loo wajahayo xilliga kalaguurka ah.

 

Baarlamaanku wuxuu qabay in saddex sano loo kordhiyo xubnaha baarlamaanka laakiin la doorto madaxweynaha iyo Af-hayeenka. Xukuumadda iyo madaxweynuhu waxay qabeen in hal sano loo kordhiyo hey’adaha dhammaantood iyadoon wax doorasho ah la samayn.

 

Sida Soomaalidu ugu qeybsantay arrinkan ayay qolyaha bulshada caalamka loogu yeero iskugu khilaafeen habka loo abaarayo xilliga kalaguurka. Dalalka Afrikaanka oo ay Uganda iyo Burundi ay hoggaaminayaan waxay waafaqeen xukuumadda. Laakiin, waxaa ka aragti duwanaa dowladaha reer Galbeedka iyo Itoobiya oo iyagu qabay in hal sano loo kordhiyo hey’adaha Soomaalida, madaxdana la doorto.

 

Kadib markii uu ku hanjabay Madaxweyn Yuweri Museveni inuu ciidankiisa la baxayo ayay reer-Galbeedku waxay soo jeediyeen in loo kordhiyo hal sano, islamarkaasna doorashada dib loo dhigo waase haddii ay isku soo raacaan madaxda Soomaalidu.

 

Markii halkaas arrinku marayay waxaa qumanayd in Golaha Wasiirrada iyo Golaha Baarlamaanka go’aanka loo celiyo. Nasiib darro, Shariif Sheekh Axmed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Augustine Mahiga iyo Yuweri Museveni ayaa masiirkii Soomaalida iyo arrimo aanba meesha oolin go’aan aysan xaq u lahayn ka gaaray.

 

Waxay isla go’aansadeen qodobbo badan oo dhib weyn ka dhalanayo. Waxaa ugu daran saddex qodob. Kow, waxaa meesha ka baxay dhammaan hey’adihii dowladda. Labo, waxaa si bareer ah loo jabiyey Axdi-Qarameedkii. Saddex, waxaa go’aanka ugu danbeeya ee siyaasadda la siiyey madaxweynayaasha Bariga Afrika.

 

Dhibka labaad ee uu heshiiskani wato waa inuu meesha ka saarayo Axdi-Qarameedka jacburka ah. Go’aamo farabadan oo uu axdigu siinayo baarlamaanka ayaa waxaa ka muuqda inay saxiixayaasha heshiisku qaateen. Mana jirto cid u wakiilatay.

 

Waxaa taas ka daran, heshiiska Kampala wuxuu dhaawacayaa maslaxada Soomaalida. Heshiiskan waxa uu qorayaa in ra’iisul-wasaaraha iyo golaha wasiirrada meesha laga saaro.

 

Anigu waxaan qabaa, horeyna aan u qoray, xilliyadii ugu danbeeyey waxyaalihii ugu wanaagsanaa ee u soo kordha dowladnimada Soomaalida waxa ugu horreeya Golaha Wasiirrada ee uu Farmaajo hoggaaminayo.

 

Intii ay jireen, tabartu iyadoo ay yar tahay, Golaha wasiirradu waxay muujiyeen niyad wanaag iyo dadaal. Waxay horumar ka sameeyeen dhinaca amniga iyo maamulka. Waxay yareeyeen musuqmaasuqii, waxayna markii ugu horreysay si joogta ah u bixinayeen mushaaradaha shaqaalaha iyo ciidamada.

 

Dadka waxaa soo galay yididiilo weyn, waxaana runtii ay ka qabeen xukuumaddan rajo wanaagsan. Wax badan oo gaabis ah oo ay xukuumaddu qabto waxaa lagu illoobayay horumarka wanaagsan ee ay samaysay.

 

Heshiiska Kampala nuxurkiisu wuxuu leeyahay horumarkaas looma baahna ee sidii hore iyo boobkii iyo musuqmaasuqii dib ha loogu noqdo.

 

Waxaa xiiso leh in sababta halka sano lagu kordhinayo hey’adaha dowladda ay tahay horumarka ay samaysay xukuumaddu. Marka iyadoo horumarkaas la qirayo ayaa haddana lagu abaal-marinayaa in la baabi’iyo. 

 

Marka shaqsiyaadka loo soo dago, Shariif Xasan xaq uma lahayn inuu ku adkaysto in la baabi’iyo xukuumadda, baarlamaankuna uma wakiilan arrinkaas. Augustine Mahiga oo laftiisu rumeysnaa in Farmaajo iyo xukuumaddiisu aysan aad ugu dhaga-nuglayn laftirkiisu waxa uu qeyb weyn ka qaatay in heshiiskan la saxiixo. 
 

Sidoo kale, waxaan qabaa in Shariif Sheekh Axmed uu ku qaldanaa inuu saxiixo heshiiskan. Runtiina kuma uusan qasbanayn. Waxaa jiray khiyaaraad kale oo fara badan. Doorasho wuu aadi karay. Waxaa kale oo uu celin karay go’aanka hey’adaha dowladda. In hal sano oo asaga loo kordhinayo madaxtinnimada darteed uu u aqbalo go’aankan cidna ka garawsan mayso.

 

Caddaaladda dadweynaha ayaa go’aankan ridday. Dadweynaha faraha badan ee Soomaaliyeed ee maanta ka mudaahadaraadaya Xamar waxay arkeen dulmiga iyo dhibaatada ku aasan heshiiskan. Taas ayaa ku filan inay dadka heshiiskan wata la noqdaan.

 

Maanta caalamku wuxuu marayaa inay shucuubtii soo jeesteen oo ay kacdoonno sameeyeen, ayna is-baddal keeneen. Haddii ay go’aanka baadilka ah la noqon waayaan waayaan ha ogaadeen in shacabka Soomaaliyeed waayo-aragnimo u leeyihiin sida kacdoon loo sameeeyo.   

 

Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan haddii ay arrin ayaga u gaar ah ku heshiinayaan ama ku dirirayaan iyaga ayay u taal. Laakiin, maslaxadda ummadda Soomaaliyeed waxay ula siman yihiin dadka ee iyagu kaligood ma laha. 

 

War iyo dhammaantiis, heshiiska Kampala laguma dhisin maslaxaddeena, waxaana qasab ah inaan u sheegno xoogagga wata inuusan danteenna u khidmeyneyn.

 

Usbuuc ka hor waxaan ka qeyb galay shir ay ilaa 30 qof oo Soomaali kala duwan ah ay iskugu yimaaddeen dalka Koonfur Afrika.

 

Dadkaas oo meelo kala duwan ka yimid, una badna dad waaya-arag ah waxay intooda badan qabeen in ay adag tahay in laga shaqaysiiyo hey’adaha dowladda KMG ah iyo Axdiga hadda jira.

 

Waxay u bateen dadku in loo baahan yahay in shirweyne Soomaaliyeed  lagu  qabto dalka, islamarkaasna la dhiso hannaan shaqayn kara. Ra’yigaa waan qabaa laftaydu.

 

Haddiise hey’adaha hadda jira mid uun ay tahay inay sii shaqayso waa Golaha Wasiirrada. Waayo waxaa lagu qiimaynayaa wax-qabadkooda.

 

Ugu danbeyntii, dadku weli kuma baraarugsana dhibka ka imaan kara go’aankan la siiyay madaxda Bariga Afrika. Waa arrin halisteeda leh runtii. Malaha Aqal Guurti iyadoo la sameeyo oo aqalkaas talada loo celiyo ayaa ka habbooneyd.

 

Waxaan ku soo koobayaa tuduc ku jirta maansadii Sirta Nolosha ee uu tiriyey Hadraawi oo laheyd “Salalkaba hurdaa keenta, haba seexan goor baas leh.” Macnuhu waa soo jeed oo maslaxadaada ha uga harin siyaasiyiin ee la ogow oo la xisaabtan.

 

Maanta halkaas ayay maraysaa arrintu ee la xisaabtan siyaasiyiinta.


Afyare Cabdi Cilmi waa macallin maaddada siyaasadda ka dhiga Jaamacadda Qadar.
[email protected]

 



 





Click here