4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Mahinga oo raba inuu Maamulo shirka dowladu ku baaqaday ee Muqdisho.

Qore: Ayaanle Xuseen Cabdi
Friday, May 27, 2011

Sida laga sheegay  shirkii Arbacadi shalay golaha amaanka ugu qabtay Soomaalida magaalada Nairobi” waxaa shir lagu qabanayaa Muqdisho, waxaana maamulaya Mahinga”. Hadalkaasi waxaa uu dhaawacayaa balanqaadkii Xukuumadda, oo ahaa in Shir ay ka qeyb galayaan qeybaha bulshada ay kuqabaneyso magaalada Muqdisho.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa waday abaabulka Shirkaasi, waxaana uu ka dhashay go’aankii  geesinimadda  lahaa ee Raysilwasaaraha iyo Madaxweynuhu ku qaadaceen shirkii loo bishii April ee sanadkan lagu qabtay Magaalada Nairobi, oo ay u arkayeen shirqool cusub oo markale shir loogu abaabulayo Soomaalida.

Mahiinga waxaa uu qaadan waayay hadalka Madaxda qaranka qaarkood  ee ahaa inay diidaan shirka  uu abaabulay, iyo hadana inay ku dhawaaqaan in shir ay Soomaalidu ka qeyb galiso kuqabanayaan Muqdisho.

Augustine Mahinga waxaa u soo baxday in hadii ay xukuumada Raysil wasaare Maxamed Abdulaahi ay sii jirto ay halis ku tahay shaqadiisa gaar ah, marba hadii ay diiday shirkiisa.

Wixi maalintaa ka dambeeyay waxaa uu raadinayay meel uu ka soo galo mar kale xaalada Soomaaliya.

Shirkii Arbacdi shalay ee May 25 2011 ku soo gabagaboobay magaalada Nairobi , fikradiisa waxaa lahaa Xafiiska siyaasada Soomaaliya, waxaana uu ahaa mid markale sida muuqatay fursad loogu abuurayo Amb. Mahinga.

Jaran jaradda kaliya ee Mahinga u furana waxaa beesha caalamku u aragtay inay tahay in laga weeciyo dowlada habka ay rabto inay umaamusho shirka Muqdisho, dibna loogu celiyo gacanta beesha Caalamka oo uu umaamulidoono Amb. Mahiinga iyo xafiiskiisa.

Waa arrin farxad leh, mar hadii golaha amaanku sheegay in shir uu ka dhicikaro gudaha Muqdisho, waxaana marka dhinaca wanaagsan laga eego ay sharaf u tahay xukuumada Soomaaliya oo lahayd sababta arrintaasi.

Inkasta oo aan la ogayn sida beesha caalamu u aragto shir in lagu qaban karo Muqdisho, hadana waxaa ay ku xirantahay xukuumada Soomaaliya sida ay uga miradhaliso g’aankooda.

Fursad weyn ayaa Soomaalida ugu jirta Shirka Muqdisho, waa hadii ay maamulaan dad Soomaali ah, oo laga maarmo beesha Caalamka.

Waxaa uu shirkaasi leeyahay micno ka duwan kuwii hore ee Soomaalida loogu qabanjiray dibadda maadaama uu gudaha dalka ka dhacayo.

Hadii shirkaasi uu noqdo mid ay dowladu umadaxbanaantahay waxaa uu ka duwanaanayaa sidoo kale kuwo badan oo Soomaalida loo qabtay dibadda oo xukuumadu ay marti sharaf un ka ahayd.
 
Laakin sida cad hadii dowladu ay ka noqoto mowqifkeedi ahaa in shirkaasi ay iyadu maamuleyso, waxaa marag madoonto ah in wax micno leh aysan ka soo baxidoonin.
 
Ayaanle Hussein Abdi
[email protected]



 





Click here