4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya oo meel halis ah gaaray, Yaase u hari doona goobta? (Faallo)

Qore: Axmed Cabdisamad
Thursday, October 27, 2011

Nairobi , Kenya - Todobaadkii hore ayay ahayd markii ay ciidamada Kenya gudaha u galeen Soomaaliya, markaas oo Kenya ay galitaankeeda ku micnaysay inay kaga jawaabayso afduubyadii ka dhacay Kenya oo loo gaystay dalxiisayaal ajnabi, markaas oo ay Kenya ku eedaysay  in Alshabaab ay masuul ka ahayd afduubyadaasi.

Kenya waxay sheegtay in afduubka dalxiisayaashu uu hoos u dhigay dakhligii dalka maadaama ay Kenya ku tiirsantahay  lacagta adag ee kasoo gasha kumanaanka dalxiisayaasha ah ee yimaada dalka sanad walba.

Kenya oo doonaysay inay hesho taageerada dawladda Soomaaliya ayaa u dirtay Muqdisho wasiiradeeda arrimaha dibadda iyo gaashaandhiga, Moses Wetangula iyo Maxamed Yuusuf Xaaji.

Markii ay wasiiradu Muqdisho tageen arrintu waxay u muuqatay mid la isku afgartay , iyadoo shirkii jaraa’id ee ay wada qabteen wasiirrada Kenyaanka ah iyo masuuliyiinta dawladda Soomaaliya aysan ka muuqan wax is afgaran waa ah, saxaafadana loo sheegay in labada waddan ay iska kaashan doonaan dhanka ammaanka iyo la dagaallanka argagixisada.

Balse maalmo kadib ayaa Madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya uu sheegay in soo galitaanka ciidamada Kenya ay tahay mid aan la aqbali Karin, taasoo dhabar jab ku noqotay dawlada Kenya oo ku guulaysatay taageerada Midowga Afrika iyo IGAD, kuna seexatay inay xaqiijisay taageerada DKMG ah ee Soomaaliya.

Mawqifka madaxweyne Shariif oo dadka dhaliilaa ay ku tilmaameen inuu yahay mid soo daahay ayay la dhaceen qaar badan oo ah Soomaalida diidan faragalinta wadamada dariska ah oo ku doodaya inay wadamadani leeyihiin ajandayaal qarsoon oo Soomaaliya lagu qaybsanayo.

Jawaabta Kenya

Kenya waxay si kulul uga jawaabtay hadalka uu madaxweyne Shariif ku diiday faragalinteeda, iyadoo wasiirka difaaca ee Kenya Yuusuf Xaaji uu ka dalbaday Shariif inuu kala cadeeyo bal inuu la safanyahay  ALSHABAAB iyo inkale, taasoo muujinaysa madmadowga labada dawladooda halka uu gaaray.

Wasaarada arrimaha dibada ee Kenya ayaa sidoo kale u yeertay wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliya Maxamed Ibraahim iyo safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya Maxamed Cali Ameeriko  oo Kenya ay u gudbisay sida ay uga xuntahay hadalka madaxweynaha, kana codsatay in Soomaaliya ay caddayso mawqifkeeda.

Waxayna Kenya u gudbisay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay inay ku gashay Soomaaliya ogolaanshaha xukuumada KMG ah.

Kala qaybsanaanta dawlada Soomaaliya

Galitaanka ciidamada Kenya waxay sidoo kale khilaaf ka dhex abuurtay masuuliyiinta ugu sarreysa dawlada.

Mawqifka madaxweynaha mid ka duwan waxaa qaba Ra’iisalwasaaraha Soomaalia C/wali Maxamed Cali oo aaminsan in Kenya ay xaq u leedahay inay Alshabaab iska dhiciso.

"Warka ah Kenya ayaa Soomaaliya kusoo duushay waa mid khaldan, Kenyana kuma soo duulin Soomaaliya ee waxay ciidamadeedu ku joogaan rabitaankeenna, labada dal waxaa ka dhexeeya iskaashi milateri, ciidamadooda ku sugan gudaha Soomaaliya waxay ciidamada Soomaaliya ka taageerayaan dhinaca saadka iyo in lala dagaalamo Al-shabaab," ayuu si cad u yiri Dr C/weli Gaas oo u warramayay VOA-da.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa iyaguna ku kala qaybsamay arrintan oo u muuqata inay buuq cusub ka dhex abuurayso madaxda DKMG ah ee Soomaaliya oo ka nastay is haysashada in xoogaa ah, tan iyo markii la saxiixay heshiiskii Kampala ee wakhtiga loogu kordhiyay hay’adaha dawladda Soomaaliya (Fulinta iyo Sharci dajinta).

Sadaasha Natiijada

Ma cadda halka ay arrintani ku biyo shuban doonto, Kenyana uma muuqato inay dhawaanahan ciidamadeeda kala soo baxayso Soomaaliya, iyadoo masuuliyinta Kenya ay ku celcelinayaan in ujeedadoodu ay tahay qabsashada magaalada Kismaayo oo xarun u ah ururka Alshabaab, isla markaana ay lacagta uga soo xaroota dekeda Kismaayo ay tahay isha dhaqaale ee kaliya ee ay ku xisaabtamayaan.

Balse dadka indha-indheeya siyaasada Soomaaliya  ayaa saadaalinaya in mar walba ay gacanta sare yeelan doonto cidda hesha taageerada beesha caalamka, gaar ahaana Qaramada Midoobay, Maraykanka iyo Midowga Yurub, marka laga hadlayo xal u helida  khilaafka u dhexeeya dawladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo sidoo kale marka la eegayo khilaafka ka dhex jira gudaha masuuliyiinta dawladda ugu sarreysa.

Axmed Cabdisamad, waa wariyaha Hiiraan Online uga soo warama dalka Kenya
[email protected]
Nairobi , Kenya



 





Click here