4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Maxkamadda Ciidamadu xukunkeedu ma dilbaa?

Ayaanle Xuseen Cabdi
Friday, September 02, 2011

Waxaa todobaadki hore aan ka daawaday TV-ga qaranka warbixin uu wariye kamid ah uu ka diyaariyay xukun ay maxkamadda ciidamadu ku ridday laba muwaadin oo Soomaali ah magaalada Muqdisho.

Marabo inaan xuso magacyada labadaasi dhibane oo aniga aragti ahaan aan u arkay in la dulmay, laguna xadgudbay xuquuqdii Soomaalinimo iyo Islaanimo iyo aadaminimo  ee ay lahaayeen.

Aniga oo aanan jecleyn inaan muujiyo magacyada labadan muwaadin, maadama aan aaminsanahay in xaq daro lagu xukumay, haddana  waan ku qasbanahay inaan magacyadooda xuso.

Maalintii Axadii ahayd 28 Agoosto, 2011 ayaa Maxkamada Ciidamada Qalabka sida waxaa la soo taagay laba eedeysane oo Soomaali ah, oo kala ahaa gabar iyo nin oday ah.

Gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Maxkamadda horteeda lasoo istaagay warqado ay wax ugu qornaayeen. Waxaana uu uyeeray in ay horyimaadaan Maxkamadda labada eedeysane.

Waxaa uu ugu horeeysiiyay Zeynab Aadan Nuur oo ah 35 jir, kudhalatay Ceelbuur,  laguna qabtay rasaas ay u waday wuxuu ugu yeeray cadawga ka soo horjeeda dowladda.  Waxaana isaga oo carro kamuuqato oo kor u qeylinaya uu gabadhi kuriday xukun dil toogasho ah.

Waxaa ku xigayJ Cali Cameey Afeey oo kudhashay Jowhar, waxaa isna lagu soo eedeeyay dambi lamid ah kan gabadha iyo inuu horay udhaawacay askari kamid ahaa ciidamada, waxaana uu gudoomiyuhu ku riday xukun dil toogasho ah.

Gudoomiyaha Maxkamadda waxaa uu sheegay in uu ku qaaday labadaasi qof xeerarka ciqaabta ee ciidamada numberadooduna yihiin 240 iyo 244 .

Warkaasi markii aan TV –ga SNTV ka daawaday, aad baan uga naxay sida fudud ee gudoomiyuhu ugaaray xukunka dilka ah ee labadaasi muwaadin.

Labada qof in kasta oo ay kamid ahaayeen sida uu sheegay ciidamada dowladda, hadana waxaan aamini waayay in dowlad islaam sheeganeyso  ay wali kudhaqmeeyso xeerar ay dajiyeen dad aanan diin lahayn ama cilmaaniyiin ah.

Inkasta oo ay xaq tahay in la dilo qofka qof kale dila, hadana meeshan iigama muuqan dambi aan isleeyahay wuu istaahilaa in qofka dil lagu xukumo.

Hadii xeerku yahay qiyaano qaran, imisa shaqsi oo kamid ah dowlada ayaa galay. Oo wali xilal u haya umadda. Mise isla fahansanahay waxa loo yaqaano qiyaano qaran.

Hadaan hadalkeyga u soo dago, waxaan umaleynayaa in aysan wali naga go’neyn inaan cadaaladda u hiilino.  Kawaran hadaan soo dhaweyno maxkamad ceynkaas ah oo afkeeda waxa ka soo baxa ay dil un yihiin, maxay kaga duwantahay tii militeriga ee dowladii Kacaanka.

Teeda kale maxay Maxkamadani kaga duwantahay kuwa Al-shabab oo aan ognahay in dad badan oo aan waxba galabsan ay dil kuxukumeen oo ay si dadban iyo sitoos ahba udileen.

Aniga waxay ila tahay in laba cillad oo u baahan in la saxo ay maxkamadu heysato.

1.    In xeerar u yaala dhamaan lagu dabaqo shareecadda Islaamka.

2.     In loo dhiibo qof cilmi u leh shareecadda Islaamka, aqoona u leh anshaxa ciidamada.

Hadaan labadaas qodob la hellin waxaa ii muuqata in muwaadiniin badan aan kuweyn doono xeerar aanan diinta waa faqsaneyn, sheekaduna noqondoonto kadaroo dibbi dhal.


Ayaanle Xuseen Cabdi
Nairobi, Kenya.
E-mail: [email protected]



 





Click here