4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Shacabka reer Hiiraan waa in ay ka tashtaan ayahooda

Shacabka Hiiraan waa in ay hantiyaan fursadda maanta u dagan, iyaga oo ku xaqiijinaya maamulka ku yimaada wadahadal iyo dib u heshiisiin.

Tafatirka Hiiraan Online
Wednesday, January 18, 2012

Halganka bulsha kasta wuxuu maraa marxalado kala duwan oo mararka  qaarkood xambaarsan isku –dhac, farafoonta iyo dagaalba; kuwaasoo ugu dambeynta bulshooyinka fahamsiiya miraha nabadda iyo xasilloonida.

Sidaa daraadeed waxaan reer Hiiraan ugu baaqeynaa in aysan ka ilduufin ka mira-dhalinta fursadda ka abuurantay ka bixitaankii kooxda Al-Shabaab, kuna baraarugaan muhimadda ay leedahay midnimadu iyo lagamamaarmaanida nidaam dowladeed iyo nabad waarta oo ay ku noolaadaan dadweynaha reer Hiiraan.

Waxaa laga yaabaa in loo qaato in aan taageereyno fikirka labada wado (Dual Track) ee ay ku baaqdo dowladda Mareykanka, ama fikirka xambaarsan in maamulka hoos laga soo dhiso (Bottom UP Approach),  amaba nalaku eedeeyo u janjeeridda siyaasadda gurracan ee gobolo u kala qoqobidda dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ka dhan ah ula-jeedada iyo hadafka uu  leeyahay faaladan.

Waxay faaladani xambaarsantahay baaq midnimada Soomaaliyeed iyo baraarujin gaar ahaaneed oo ah in aan shacabka reer Hiiraan ka il duufin ku habsadashada iyo fursadda iyo iftiinka nabadeed oo dhidiba adag u noqon kara nabad waarta oo Soomaali oo dhan gaarta.


Madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya Adan Cabdulle Cusmaan (1), Ra'iisul Wasaarihii ugu horeeyey ee Soomaaliya Cabdullahi Ciise Maxamuud (2) iyo guddoomiyihii ugu horeeyey ee xisbiga mucaadka Shiikh Cali Jimcaale Baraale (3) oo wada ahaa xildhbaano laga soo wada doorto magaalada Beledweyne.


Dhinaca kale, waxaa xusuusin naga mudan in gobolka Hiiraan uu yahay gobol ay ka soo jeedaan hormoodkii  curiyey  gobanimada Soomaaliyeed sida Madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya Adan Cabdulla Cismaan,  Ra'iisul Wasaarihii ugu horeeyey ee Soomaaliya Cabdullahi Ciise iyo gudoomiyihii ugu horeeyey ee xisbiga mucaardka ee Soomaaliya Shiikh Cali Jimcaale. Sidaa daraadeed, shacabka reer Hiiraan ayaga oo ka shidaal qaadanayo taariikhda sharafta leh ee ay leeyihiin, waa in ay u midoobaan siday gobolka ugu soo dabaali lahaayeen nabad lagu wada waaro.

Waxay Hiiraan Online soo jeedineysaa qodobadda soo socda:

1-    In dhammaan beelaha wada degga gobolka Hiiraan ay ka faa'ideystaan fursadan cusub, wixii khilaaf  ah ee u dhexeeyana ay ku  dhammeystaan wada hadal iyo is afgarad.

2-    Waxaanu ku baaqaynaa in dawlada ku meelgaarka ahi ay arinta Hiiraan dhexdhexaad ka noqoto, kuna deg degin in ay maamul u magacawdo.

3-    Waxaan ku talinaynaa in qaybaha kala duwan ee bulshadu ay isugu yimaadaan shirweyne dib u heshiisiineed oo lagu doorto maamulkii Beledweyne hogaamin lahaa, iyadoo ayna jirin fara gelin dibadeed.

4-    Sidoo kale waxaan ku baaqaynaa in nabada la doorto, lagana hor -tago wax kasta oo dagaal keeni kara iyadoo la kaashanayo odayaasha, culimada iyo wax garadka kale ee bulshada.

Gabogabadii, fadlan nabada fursad siiya oo yaan la dhumin fursaddaan qaaliga ah. Waa inaad  ka faa’iidaysataan dhammaan waxa hadda gacantiina ku jira oo ay ugu horeyso dadka oo aad isu keentaan si aad u hor-marisaan danta dadka iyo deegaanka oo in muddo ah ku taamayey sidii ay nabad ku heli lahaayeen. Xasuusta, markaad adeegsataan garashada iyo caqliga wanaagsan, waxaad abuuri-kartaan MIDNIMO, HOR-U-MAR IYO NABAD WAARTA.



 





Click here