Isniin, July 30, 2012 (HOL) — Wararka laga helayo degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in halkaas ay tan iyo xalay ka jireen dhaqaaq ciidan oo ay sameynayeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa caawinaya ee Itoobiya.
Goobjoogayaal ku sugan degmada Baydhabo ayaa u xaqiijiyay HOL in ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka billaabeen degmadaas shalay gallinkii dambe, kuwaasoo socday illaa xalay.
"Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaalida ayaa waxay isku urursanayeen saldhigyo ay ku leeyihiin magaalada, waxaan sidoo kale socday gaadiid dagaal oo fara badan kuwaasoo ay ku jireen taangiyo," ayay goobjoogayaal ku sugan Baydhabo u sheegeen HOL.
Maamulka degmada Baydhabo iyo saraakiisha ciidamada ayaan weli ka hadlin daqdhaqaaqyada ciidan ee ka jira degmada Baydhabo, kuwaasoo shacabka ku nool halkaas ay aad u dareemeen.
Degmada Baydhabo oo 240-km dhinaca Waqooyi-galbeed kaga beegan Muqdisho oo ah xarunta Soomaaliya ayaa waxay dhammaadkii bishii Feberaayo ee sannadan gacanta u gashay ciidamada dowladda KMG ah oo gacan ka helaya kuwa AMISOM.
Inkastoo xilligaas kaddib ay ciidamada isbahaysanaya qabsadeen dhowr degmo oo ka tirsan gobolkaas ayaa haddana waxay weli Al-shabaab ka talisaa degmooyin ay ka mid yihiin Buur-hakaba iyo Diinsoor oo dhinacyada koonfur iyo bari ka xiga degmada Baydhabo.
Xarakada Al-shabaab ayaa horay u sheegtay inay difaacanayso degmooyinka weli kaga sugan tahay gobolka Bay, iyadoo warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ay sheegayaan in ciidamada dhaqdhaqaaqa wada ay ku wajahan yihiin labadan degmo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya oo illaa xalay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka waday Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay
More News
- Madaxweynaha Galmudug oo Taageeray Shirka Ansixinayo Dastuurka ee Muqdisho ka socda kana digay Doorashooyin ka dhaca Galmudug
- Beelaha Shanaad oo dibadbax casho ah ka dhigay gudaha Xarunta uu ka socdo shirka Ansixinta Dastuurka Cusub
- Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu Horkacayo oo Degmada Afgooye kula kulmay Waxgaradka degmadaas
- Qiimaha Maciishada Somaliland oo sare u kacay bisha Ramadaan iyo Sarifka Doolarka oo hoos u dhac uu ku yimid
- Jaamacadda SIMAD ee Muqdisho oo la Guddoonsiiyay Qalab Casri ah oo ay Dowladda Turkigu ugu deeqday
- Ra'iisul Wasaaraha Somalia oo muujiyay rajada uu ka qabo in la Ansixiyo Dastuurka oo uu weli muran ka taagan yahay