Isniin, July 30, 2012 (HOL) — Ergooyinka beesha shanaad ayaa waxay maanta ka dhigeen xarunta uu shirku ka socdo dibadbax cabasho ah, kaasoo ay ku sheegeen inay kaga soo horjeedaan nidaamka 4.5-ka ee lagu qaybsado awoodda dalka.
Qaar ka mid ah xubnaha beelahan uga qaybgalaya shirka ansixinta dastuurka ayaa sheegay inay talaabadan u qaadeen sidii ay u muujin lahaayeen inay beelaha kale ee Soomaaliyeed la mid yihiin.
"Waxyaabaha aan ka cabanayno waxaa ka mid ah culeyska fara badan 21-kii sano ee lasoo dhaafay na dul saarnaa, kuwaasoo aan ka dhaxalnay dhibaatooyin fara ay ka mid yihiin qax iyo barakac iyo in naloogu yeero looma aaraan," ayay tiri Wiilo Qamiis Cabdullaahi oo ahayd haweeney ka mid ah beelaha Shabaad ee shirka ka qaybgalaysa.
Haweeneydan waxay sheegtay inay ku faraxsan tahay dastuurka cusub ee la doonayo in Soomaaliya salka loogu dhigo dowladnimo taam ah, balse waxaan ka codsanaynaa guddiga dastuurka in beelaha Soomaaliyeed laga dhigo shan beelood oo siman.
Guddiga farsamada ee loo saaray fududeynta ansixinta dastuurka ayaa waxay ka dalbadeen ergada beesha shanaad ee gadoodka sameeyay inay cashadooda u soo gudbiyaan qaab qoraal si wax looga qabto, balse ay joojiyaan dibadbaxa xarunta ay ka dhex sameynayaan.
Xubnaha beesha shanaad ee maanta cabashada sameeyay ayaa waxay sheegeen inaysan cabashadooda joojin doonin inta ay ka helayaan xuquuqdooda, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo ay xubnaha beelaha shanaad sameeyaan cabasho noocan oo kale ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Beelaha Shanaad oo dibadbax casho ah ka dhigay gudaha Xarunta uu ka socdo shirka Ansixinta Dastuurka Cusub
More News
- Madaxweynaha Galmudug oo Taageeray Shirka Ansixinayo Dastuurka ee Muqdisho ka socda kana digay Doorashooyin ka dhaca Galmudug
- Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu Horkacayo oo Degmada Afgooye kula kulmay Waxgaradka degmadaas
- Qiimaha Maciishada Somaliland oo sare u kacay bisha Ramadaan iyo Sarifka Doolarka oo hoos u dhac uu ku yimid
- Jaamacadda SIMAD ee Muqdisho oo la Guddoonsiiyay Qalab Casri ah oo ay Dowladda Turkigu ugu deeqday
- Ra'iisul Wasaaraha Somalia oo muujiyay rajada uu ka qabo in la Ansixiyo Dastuurka oo uu weli muran ka taagan yahay
- Ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya oo illaa xalay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka waday Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay