Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo shacab ayaa ku dhintay qarax iyo tacshiirad xigtay oo saakay aroortii hore ka dhacay degmada Qansax-dheere ee gobolka Bayoo ay gacanta ku hayaan ciidamada DKMG Soomaaliya iyo kuwa garabka siinaya ee Itoobiya.
Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka oo loo adeegsaday miino lagu aasay goob shaaha lagu cabo oo ay fariistaan saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku saugan degmadaas.
"Weerarka waxaa fuliyay guutada qaraxyada ee Al-shabaab, waxaana dhaawacyo culus ay kasoo gaareen saraakiil lagu kala magacaabo, Xasaneey iyo Cali Garabeey oo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan halkaas," ayaa lagu yiri war ay soo saareen Al-shabaab.
Qaraxa kaddib ayaa waxay ciidamada dowladdu toogasho ku dileen saddex ruux oo goobta ku sugnaa, kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayna ahaayeen kuwii ka dambeeyay qaraxa.
"Xaaladdu mar qura ayay isbedeshay, qarax weyn iyo rasaas xooggan oo daba socotay ayaa ka dhaday degmaada, waxaana aragnay dhismahada saddex wiil oo dhallinyaro ah iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah," ayuu yiri ruux ku sugan degmada Qansax-dheere oo magaciisa ka gaabsaday sababo ammaan dartood.
Saraakiil DKMG ah ee ku sugan degmada ayaa beeniyay in qaraxii saakay ay ku dhaawacmeen saraakiil ka tirasn kuwa dowladda, waxayse sheegeen in hal askari uu dhaawac fudud kasoo gaaray, xaaladdiisuna ay wanaagsan tahay.
Degmada Qansax-dheere ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka gobolka Bay ee laga qabsaday Al-shabaab horraantii sannadkan, waxaana degmadaas ka dhaca qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay geysanayaan rag xiriir la leh Al-shabaab.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Qarax khasaare nafeed gesytay oo saakay aroortii hore ka dhacay Degmada Qansax-dheere ee Gobolka Bay
More News
- Xaflad lagu taageerayay Xisbiga Tayo Party oo ka dhacday Magalada Birmingham ee dalka Britain (SAWIRRO)
- Kooxda Waayaha Cusub oo Nairobi ku Qabatey Munaasabadii Labaad ee la Magac baxdey Eastleih Peace Festival (SAWIRRO)
- Madaxweynaha Puntland oo ku taliyay in lasoo doorto hoggaamiyeyaal Soomaaliya ka bixin kara dhibaatada ay ku jirto
- Bulshadda Somaliland oo aragti kala duwan ka bixisay Qodobaddii kasoo baxay Shirkii dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya
- Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Nairobi oo ka digtay Weerarro Qaraxyo ah oo ka dhaca Magaalada Mombassa
- Magaalada Muqdisho oo Dib u dhis iyo Ganacsi xooggan uu ka socdo kaddib Sannado badan oo ay dagaallo ka socdeen
- Ciidamada Ammaanka Al-shabaab ee Maamulka Degmada Kismaayo oo gacanta kusoo dhigay Nin gacan ku dhiigle ah
- Maamulka Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose oo ka dayriyay xaaladda Qoysas Dan-yarta ah ee degmadaa ku nool
- Sheekh Mukhtaar Abuu-Mansuur oo sheegay inuusan ka baqayn Mareykanka dagaalka uu ku jirana uu sii wadayo
- Dowladda Itoobiya oo sheegtay in ciidamadeedu sii joogayaan Soomaaliya inta laga dhisayo dowlad awood leh
- Xoogaga Al-shabaab oo xayiraad kusoo rogay gaadiidkii ganacsi ee isaga gooshi jiray Degmooyinka Gobolka Jubbada Hoose
- Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo sheegay inay la wareegeen Garoonka Cisalleey iyo Dekedda Ceel-Macaan