
Sabti, June 23, 2012 (HOL) - Waxaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya lagu qabtey, munaasabdii labaad ee xaflad loogu magac darey (Easleigh Peace Festival).
Xafladan ayaa ahayd mid looga wacyi galinayay dhalinyarada halista ay xagjirnimadu leedahay iyo waliba falalka lidka ku ah amniga iyo xasiloonida.
Xafladan ayaa waxaa kasoo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada
gaar ahaan dhalinyarada oo uu barnaamijkan quseeyey.
Waxaana goobtaas
ay kooxda Waayaha Cusub ku qeybiyeen funaanado gaaraya 250 funaanadood
oo xambaarsan farriimaha nabada oo ay ka mid tahay (Nabadi Waa Nololee,
Dhalinyarooy Nagee), (Madadaaladu waxay ka hortagtaa Xagjirnimada) iyo
waliba astaamaha midnimada, qarannimida, iyo isku duubnida Soomaaliyeed
oo ku xardhanaa dharkii funaanadihii halkaas laga qaybiyay.
Kooxda Waayaha Cusub ayaa isla goobtaasi waxay ku shaaciyeen in ay qaban doonaan xaflada maalinta xoriyada Soomaaliyeed
ee kowda Luuliyo (July/1/2012), taasoo ay sanad walba ku qabtaan magaalada
Nairobi.





Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya