Murashax Cabdilaahi Cali Xirsi (Tima-cade) ayaa helay 13 cod, Madaxweyne ku-xigeenkii hore C/samed Cali Shire ayaa helay 12, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa isna helay 9 cod, Murashax Xuseen Xaashi Xasan wuxuu helay 3 cod, halka Murashax Daahir Xaaji Khaliif Maxamed uu isna helay 2 cod.
Doorashada ayaa yeelatay wareeg labaad, waxaana ku tartamaya saddexda murashax ee helay tirada codadka ugu badan, kuwaas oo ka ah:
C/xakiin C.laahi Xaaji Cumar (Camay) 26 cod.
Murashax Cabdilaahi Cali Xirsi (Tima-cade) 13 cod.
C/samed Cali Shire 12 cod.
Golaha wakiillada ee Puntland ayaa saacado kahor doortay madaxweynaha Puntland hoggaamin doona shanta sano ee soo socota, waxaana xilkaas oo ay 11 murashax oo C/raxmaan Faroole uu kamid ahaa ay ku tartameen ku guuleystey C/weli Maxamed Cali Gaas.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya