Arbaco, January 08, 2014(HOL) :-Maamulka KMG ee Jubba ayaa soo dhaweeyay doorashadii madaxtinimo ee maanta ka dhacday Puntland, taasoo uu ku guuleystay xilka madaxweeynaha maamulkaasi Prof: C/weli Max’ed Cali (Gaas).
Shir jaraa’id oo madaxweeyne ku xigeenka maamulka KMG ee Jubba Jen. C/laahi SHeekh Ismaaciil Fartaag uu maanta ku qabtay xarunta madaxtooyada Kismaayo ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan doorashadii maanta ka dhacday Puntland oo ay ku tilmaameen in ay ahayd mid xaq oo xalaal ah.
Masuulkan ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay soo dhaweynayaan madaxweeynaha cusub ee maamulka Puntland Prof: C/weli Max’ed Cali Gaas, kaasoo wareegii ugu danbeeyay ee doorashada Puntland uga guuleeystay Madaxweeynihii hore ee maamulkaasi C/raxmaan Max’ed Max’uud Faroole.
Madaxweeyne ku xigeenka yaa sheegay in masuulkan cusub ay ka rajeynayaan in uu la shaqeyn doono maamulkooda, isagoo dhinaca kale sheegay in madaxweeynaha xilka kasii dagayo ee Puntland C/raxmaan Faroole uu madudii uu xilka hayay wax u weyn u qabtay Puntland, islamarkaana uu garab istaagay maamulka KMG ee Jubba.
Dhinaca kale, kadib markii ay soo idlaatay doorashadii madaxtinimo ee Puntland oo shacabka ku dhaqan degmada Kismaayo ay kala socdeen telefishinadda ayaa waxa wadooyinka magaalada isugu soo baxay dadweeyne badan oo u dabaaldegayay hogaanka cusub ee maamulka Puntland.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya
Maamulka Jubba oo soo dhaweeyay doorashada Madaxweyne Gaas
More News
- Midowga Afrika oo soo dhaweeyay Doorashadii ka dhacday Puntland
- Naadiga Badbaado oo u Hambalyo u diray C/weli Gaas (SAWIRRO)
- Soomaali lagu Diiwaan-geliyo Dalka Koonfurta Sudan (SAWIRRO)
- JAWAARI: “Doorashada Puntland waa guul Somalia u soo hoyatay”
- DAAWO SAWIRRADA: Doorashadii Madaxweynenimo ee Puntland
- Rugta Ganacsiga: kulan looga hadlay dib u dhiska dalka (SAWIRRO)
- Madaxweynaha & Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo la dhaariyay
- Somaliland oo si Taxaddar leh uga hadashay Doorashada Puntland
- C/xakiim Camey oo loo doortay madaxweyne ku-xigeenka Puntland
- TARSAN: “Shacabku ha ilaaliyaan Ammaanka Muwaadiniinta Turkiga"
- DANJIRE KAY: “Caalamku wuu soo dhaweynayaa isbedelka Puntland”
- Doorashada madaxweyne ku-xigeenka oo wereeggii 2-aad gashay
- Bannaanbax ballaaran oo ka dhacay Degmada Buuhoodle (SAWIRRO)
- Dibad-baxyo lagu taageerayo Madaxweyne Gaas oo socda
- Madaxda Soomaaliya oo u hambalyeeyay Madaxweynaha Puntland
- C/raxmaan Faroole: " walaalkay C/weli waan u hambalyeynayaa..."
- C/weli Gaas oo loo doortay Madaxweynaha Puntland
- Madaxweynaha Puntland: "Is-beddelku Maanta ayuu bilowday"
- Baydhabo oo lagu soo dhaweeyey Fannaaniinta Walaalaha Hargeysa
- C/raxmaan Faroole iyo C/weli Gaas oo isu soo haray
- Wareggii 1-aad oo dhamaaday iyo Faroole oo hoggaaminaya
- Codbixinta doorashada Puntland oo si toos ah u bilaabatay
- Doorashada madaxtinimada Puntland oo maanta dhacaysa