
Arbaco, December 23, 2015 (HOL) — Urur Goboleedka ay ku bahoobeen dalalka Bariga Afrika ee IGAD iyo Xafiiska QM u qaabilsan isku-duwida Arrimaha Bani'aadanimada ee magaceeda loosoo gaabiyo OCHA, ayaa maanta ku qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kulan ay oga Warbixiyeen saameynta is-bedelka cimilada ee loo yaqaano El Nino iyo dhibaatooyinka ay u geystay dalalka ku yaallo geeska Afrika.
Kulanka ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira sidii ay El Nino saameysay dalalka ku yaallo geeska Africa oo ay ka mid yihiin; Somalia, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya. Waxaana warbixinta lagu xusay in sidii la maleynayay aysan u khasaaro badneyn roobabkii dabeylaha watay iyo daadadkii El Nino ee laga cabsi qabay.
Waxaa sidoo kale dhaliil loogu jeediyay Dowladdaha gobolka, qaabkii ay oga jawaabeen Daadadka iyo Abaaraha oo lagu tilmaamay in aynan wanaagsaneyn.
Wadanka Soomaaliya oo qeybo ka mid ah ay saameeyeen Roobabkii Deyrta ee ka da'ay iyo Abaaro ka horeeyay oo ku dhuftay, ayaa lagu sheegay in 132 kun oo qof oo ay ku jiraan dadka gudaha ku barakacay, ay khasaaro ka soo gaartay roobab dabeylo watay iyo fatahaado qaaday guryihii ay daganayaan, sidoo kale ay baabi’iyeen dalag-yadii Beeraha iyo qaar ka mid ah Xoolihii ay dhaqanayeen.
Dadkaas, ayaa la sheegay iney wali u baahan yihiin kaalmooyin kala duwan oo ay kamid yihiin: Cunooyin, Biyo Nadiif ah, Daawooyin, Hooy iyo in dib loogu dayac-tiro xarumihii waxbarashada ka hor bisha January ee sannadka soo socdo si Carruurtu ay waxbarashadoodii u sii wataan.
Warbixin ay kasoo xigteen hay'addaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada ee WFP, ayaa waxey ku sheegeen in Gobolada Hiiraan, Shabeellada Dhexe iyo Jubbada Hoose ay fatahaado ka sameeyeen labada Wabi ee Somalia maro, kuwaasoo saameeyay in ka badan 28 kun oo qof oo iyagana u baahan caawimaad.
Intii u dhaxeysay bilihii October ilaa December ee sannadkaan ayaa wadamada ku yaallo geeska Africa, tirada dadka ay saameeyeen Daadadkii El Nino waxaa lagu sheegay iney ku dhow yihiin labo Milyan oo qof halka in ka badan Nus Malyan qofna la cadeeyay iney ku barakaceen Daadadkaas.
Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya