Isniin, Luuliyo 13, 2015 (HOL) — Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxa ay qabatay xaflad ballaaran oo lagu abaalmarinaayay Ardaydii Kaalmaha ka Galay Tartanka Qur’aan Akhriska Dadka Araga la’ ee Idaacada Risaala, sidoo kale Xafladdaan waxaa lagu ciidseeyay oo lacago lagu siiyay dhamaan dadkii Araga la’aa ee ka qaybgalay Tartanka Qur’aan Akhriska Idaacada Risaala, waxaana xaflada ay ka dhacday Hoteelka Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.
Saddexda Ruux ee Galay Kaalimaha ayaa waxaa lacago Abaal-marin ah Guddoonsiiyay Jaamacada Jobkey ee Magaalada Muqdisho oo Barnaamijkaan Maal-galinaysay.
Agaasimaha Idaacada Risaala, Maxamed C/wahaab C/llaahi oo ka hadlay xaflada ayaa u mahadceliyay Jaamacada Jobkey, Guddiga tartanka Qur’aan Akhriska iyo Guddigii ku howlanaa kaalmada dadka Araga la’.
Maxamed C/wahaab wuxuu xusay in dhageystayaasha Risaala ee Magaalada Muqdisho, kaalin mug leh ay ka qaateen Kaalmada dadka araga la’, waxaana uu sheegay dhaqaalaha ay dhageystayaasha Idaacada ku deeqeen dadka araga la’ in indhaha loogu fiiqi doono ku dhawaad 30-ruux oo dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
Agaasimaha Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in ujeedka ka dambeeyay fekerka ah in dadka araga la’ tartan loo qabto inay aheyd in la dhiirro-geliyo dadka baahiyaha gaarka ah qabo, maadaama dadkaan intooda badan aan tartan loo qaban, Idaacadana sanadkaan ay isku howshay arintaasi.
Guddoomiyaha Guddiga Taakuleynta Dadka Araga la’ Sheekh Cumar Maxamed Xeroow, ayaa madasha ka sheegay in Idaacada Risaala ay ku tilaabsatay guul weyn, maadaama hal abuurka tartankaan iyo taakuleynta dadka araga la’ ay laheyd Idaacada Risaala.
Maamo Sahra oo ka mid ah Guddiga Taakuleynta dadka Baahiyaha gaarka ah qaba ayaa dhankeeda waxa ay sheegtay inay maanta ku faraxsan tahay in la abaalmariyo dadka Baahiyaha gaarka ah qaba oo la siiyo lacag ay ku ciidaan, sidoo kalena la abaalmariyo Ardaydii kaalmaha ka galay Tartanka.
Guddoomiyaha Jaamacada Jobkey oo Barnaamijkaan Maal-gelinaysay, C/casiis Caagane, ayaa xaflada ka sheegay in Jaamacada Jobkey, markii Idaacada ay u soo bandhigtay Bar-naamijkaan si deg deg ah Jaamacada ay ku aqbashay Maalgelinta.
Ustaad Caagane, ayaa madasha ku guddoonsiiyay lacag Abaalmarin ah Saddexdii Arday ee Araga la’aa ee Kaalmaha ka galay Tartanka Qur’aan Akhriska Dadka Baahiya gaarka ah qaba ee Idaacada Risaala.
1. Kaalinta Koowaad ayaa waxaa lagu abaalmariyay $350
2. Kaalinta labaad waxa ay Jaamacada Jobkey ku abaalmarisay $250
3. Kaalinta Saddexaad waxaa lagu abaalmariyay $200
Sidoo kale, Dhammaan Ardaydii Araga la’aa ee Tartankaan Qur'aanka ah ka Qayb-galay waxaa la guddoonsiiyay lacag min $50 doollar ah oo ay ku ciidaan, lacagtaasoo ka mid ah lacagihii ay Dhageystayaasha Idaacada ugu deeqeen dadka Aragga La’.
Idaacada Risaala ayaa sidoo kale indhaha u fiiqaysa dad gaaraya 30 ruux oo araga la’ taasi oo lacagta indhaha loogu fiiqaayo ay bixiyeen Dhageystayaasha Idaacadda iyo Shaqsiyaad ka mid ah Muwaadiniinta Somaliyed.
Ugu dambeyn, Fikirka iyo Hal Abuurka ka dambeeyay Barnaamijkaan ayaa waxaa lahaa Tifaftiraha Idaacada Risaala Mohamed Kaafi Sheekh Abuukar, iyadoo la dhihi karo bar-naamijkaan wuxuu u guuleystay sidii loogu talo galay.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya