Hay’adda Hormuud Foundation oo 15,000 oo Doollar ugu Deeqday Wiil Yar oo Xanuunsan

Isniin, Luuliyo 13, 2015 (HOL) — Hay'adda Samafalka Hormuud Foundation ayaa maanta ugu deeqday lacag dhan 15,000 oo Doollarka Mareykaka wiil yar oo xanuunsan, kaasoo la sheegay inaan xaaladdiisa caafimaad wax looga qaban karin gudaha dalka.

Wiilkan yar oo hal sano jir ah laguna magacaabo Maxamuud Yaxye ayaa yaalla mid ka mid ah isbitaallada Muqdisho, iyadoo cudur ku dhacay uu jaray sankiisa, ayna khatar ku jiraan indhihiisa, sida ay sheegeen dhaqaatiirtii baaritaannada caafimaad ku sameeyay wiilkan, iyaoo mas’uuliyiinta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed in wiilkan yar ay ka caawiyaan sidii uu caafimaad dibadda ah u heli lahaa.

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Hormuud Foundation, Sheekh Cumar Salaad oo ka hadlay kaalmada ay gaarsiiyeen wiilkan yar ayaa waxaa uu ka hadlay kaalmada ay gaar-siiyeen wiilkaa ayaa ka codsaday cid walba oo Alle wax siiyay inay Qayb ka qaadato badbaadinta Maxamuud Yaxye.

“Waxaan maanta isugu nimid Wiilkan yar oo aad u jeeddaan in xubinihiisii ugu Qaalisanaa Jirka ee Sanka iyo Afka uu Xanuunka uga dhacay, kaasoo markiisii hore kasoo billowday Cudurka Jadeecada; Dhakhtar xumo iyo dhibaato soo Wajahday Awgeed ayuuna saan la noqday – Ilaahay baana u qadaray, waxaana Alle weydiisanaynaa in uu caafimaad deg-deg ah siiyo,” ayuu yiri Salaad.

Sidoo kale, Hooyada dhashay wiilkan yar oo lagu magacaabo, Faadumo Ibraahim ayaa uga mahadcelisay Hay’adda Samafalka Hormuud kaalmada ay soo gaarsiiyeen wiilkeeda yar, iyadoo xustay inay Ummadda Soomaaliyeed ka dalbanayso inay caawiyaan Wiilkeeda si caafimaad dibadda ah loogu Qaado.

“Marka hore waxaan u mahad-celinayaa Daahir oo wiilkan Isbitaal uu ku jiray 24-kii casho ee lasoo dhaafay, markaasoo dhakhaatiirtu ay noo sheegay in wiilkeyga aan waxba looga qaban karin gudaha dalka. Marka labaadna waxaan halkaan uga mahad-celinayaa Shirkada Hormuud. Marka sadaxaadna Shacabka Soomaaliyeed oo aan ka filayo kaalmo,” ayay tiri Faadumo Ibraahim.

Ugu dambeyn, Hay’adda Hormuud Foundation oo ah Tan dhanka Samfalka u Qaabilsan Shirkadda Hormuud Telecom ayaa la sheegay inay noqotay hay’adii ugu Horreysay oo ka soo Jawaabta codsi horay loogu diray Shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya